Home » Wararka » Diyaaradaha Isbahaysiga Maraykanka Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Bariga Suuriya.

Diyaaradaha Isbahaysiga Maraykanka Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Bariga Suuriya.

Dowladda Maraykanka iyo dowladaha ku garab taagan howlgalka dhanka duqeymaha ah ee ka socoda wadamada Ciraaq iyo Suuriya ayaa ku kacay xasuuq arxan daro ah oo loo geystay dad muslimiin aan waxba galabsan.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay duqeymo ka geysanayeen deegaanno hoos yimaada magaalada Al-buukamaal ee gobolka Deyru-Zuur ee wadanka Suuriya.

Deegaannada Baaquuz-fowqaani iyo As-suusa oo hoosyimaada magaalada Al-buukamaal ayay duqeymaha ugu badan ka dheceen, waxaana ku shahiiday ugu yaraan 30 ruux oo dumar iyo caruur ay ku jiraan.

Isbaheysiga Maraykanka uu hogaamiyo ayaa sheegtay in duqeymaha ay halkaas ka fuliyeen qaarkood ay wax ku noqdeen dad shacab ah, balse waxay ka gaabsadeen iney sheegaan tirada, taas oo ah mid aad u badan.

Dalka Muslimka ah ee Suuriya waxaa dhanka koonfureed iyo wuqooyiga dhibaato iyo duqeymo ka wada diyaaradaha Ruushka, halka barigana ay duqeeyaan diyaaradaha Maraykanka iyo isbaheysiga uu hogaamiyo.

Arintan ayaa muujineysa sida reer galbeedka iyo Ruushka ugu heshiiyeen dabar goynta muslimiinta caalamka gaar ahaan reer Shaam, oo todobo sano oo xiriir ah ku jira dagaal Jihaad ah oo ka dhan ah Nidaamka Nuseyriyad Bashaar Al-Asad.

Radio AlFurqaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: