Home » Wararka » Diyaaradaha Mareykanka Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Sh/Hoose + Magacyada.

Diyaaradaha Mareykanka Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Sh/Hoose + Magacyada.

Wararka Ka imanaya Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Maraykanku ay duqayn dad shacab Soomaaliyeed ah lagu dilay ka fulisay qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Duqaynta oo dhacday shalay oo Khamiis ahayd xilligii duhurkii ayaa waxaa lala beegsaday gaadhi nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen illaa saddex qof kuwaas oo mid ka mid ah uu ahaa mas’uul ka tirsan shirkad ka mida shirkadaha isgaadhsiinta ee ugu caansan dalka Soomaaliya.

Duqaynta ayaa ka dhacday inta u dhaxaysa deggaannada Goobaalle iyo Baladul-Amiin, waxaana dad goobjoog ah oo warfidiyeenku la xidhiidhay ay xaqiijiyeen in dhammaan saddexdii qof ee gaadhigaas saarnaa ay dhinteen.

Mas’uulka ka tirsan mid ka mid ah Shirkadaha isgaadhsiinta Soomaliyeed ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Samad Sheekh Isxaaq, waxaana uu ahaa nin ganacsade ah oo si weyn loo yaqaano isla markaana ma’suul ka ahaa Laanta Shirkada Isgaadhsiinta Hormuud ee deeggaanka Goobaale.

Labada nin ee kale ee lagu dilay duqaynta ayaa ahaa dad xoogsato ah oo ka shaqaysan jiray qodista ceelasha biyaha laga cabo, waxaana la sheegayaa in xilliga ay diyaaradda Maraykanka ah duqaynaysay ay kusoo jeedeen goob la doonayay in ceel biyood laga qodo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in laba ka mida Enjineerrada la dilay ay ka yimideen degmada Tayeegloow ee gobolka Bakool waxayna howl shaqo ceel qodis ah ka fulinayeen deggaan katirsan Sh/Hoose.

Hoos ka akhri magacyada sedaxda qof ee duqeynta lagu dilay.

1-Cabdi Samad Sheekh isxaaq wuxuu ahaa Mas’uul katirsan shirkad isgaadhsiineed
2-Cabdi Nuur Aaden wuxuu ahaa Eng. Ceelasha qoda oo ka yimid Tayeegloow
3-Cabdi Samad Xasan Yaroow wuxuu ahaa Eng. Ceelasha qoda oo ka yimid Tayeegloow

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku duqayn ku dilaan dad shacab Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan, waxaana lawada xusuustaa in dhowr jeer sidaan oo kale ay Maraykanku xasuuq gobolka Shabeellada Hoose ugu geysteen dad Shacab Soomaaliyeed ah, sidii ka dhacday deggaannada Bariire iyo Macalinka ee duleedka Magaalada Afgooye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: