Home » Wararka » Dowlada Maraykanka Oo Soo Bandhigtay Magaca & Muuqaalka Askarigii Lagaga Dilay Duleedka Kismaayo.

Dowlada Maraykanka Oo Soo Bandhigtay Magaca & Muuqaalka Askarigii Lagaga Dilay Duleedka Kismaayo.

War maanta kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Mareykanka ayaa waxaa shaaca laga qaaday magaca askari ka tirsanaa ciidamada gaarka ah lagu dilay weerar ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab, ku qaadeen deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo.

Sida warbixintan lagu sheegay, askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aliksandar Konrad, oo 26 sano jir ahaa, kana soo jeeday gobolka Arizoona, ee ku yaalla Koofur-galbeed ee dalkaasi.

Bentagonka ayaa warka kasoo baxay ku sheegay in Konrad uu ka tirsanaa Ururka koowaad ee ciidamada gaarka ah ee deggan saldhigga askarta cirka ee Foort-Baraag ee gobolka Waqooyiga Korolaayna.

Robert Bookholt, oo ah afhayeen u hadlay ciidamada Mareykanka, ayaa warbaahinta usheegay in Konrad, uu qayb ka ahaa ciidamo Maraykan ah oo ka garab dagaalamayay 800 oo askari oo iskugu jira Soomaali iyo Kenyaati kuwaas oo weerar iyo duqayn la kulmay maalintii Jimcaha ahayd ee lasoo dhaafay.

Afar kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarka Mujaahidiinta, kuwaas oo saddex kamid ah loo qaaday Cisbitaal ay Ciidamada Maraykanka ku leeyihiin wadanka Kenya kadib markii xaaladooda waxba looga qaban waayay Isbitaallada Ciidamada ee gudaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warka dowlada Maraykanka.

Askariga la dilay oo ka tirsanaa ciidamadooda gaarka ah ayaa horey laba jeer oo kala duwan kagasoo dagaalamay wadanka Afghaanistaan, isla markaana uu ku geeleystay billado dhowr ah. Isagoo Afghaanistaan soo joogay muddo 13 bilood ah sida uu saxaafadda u xaqiijiyay afhayeenka.

Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka, oo isagu horey ugu hanjabay inuu laba laabi doono dagaalka uu kula jiro Jamaacaadka Jihaadiga ah ayaa dhankiisa tacsi tiiraanya leh u diray askariga muwaadinkiisa ah ee lagaga dilay Soomaaliya.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay ciidamada Mujaahidiintu weerar culus ku qaadeen askar huwan ah oo isku jiray Maraykanka, Kenyaan iyo Soomaali, oo ku sugnaa deegaanka Baarka ee duleedka Kismaayo, halkaasoo ay ku dhinteen 1 Askari oo Maraykan ah, 2 Kenyaati ah iyo 9 ciidanka Soomaalida ah.

Mareykanka wuxuu sannadkii lasoo dhaafay horraantiisii sheegay in ay Soomaaliya ka joogaan 500 oo askari kuwaas oo hormuud ka ah dagaalka ka dhanka ah Xarakada AlShabaab oo gobolada ay joogaan ku maamula shareecada Islaamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: