Home » Wararka » Dowladda Itoobiya Oo Ciidamo Ku Daad Guraysay Degmada Mooyaale Ee Soomaalida Lagu Xasuuqayo.

Dowladda Itoobiya Oo Ciidamo Ku Daad Guraysay Degmada Mooyaale Ee Soomaalida Lagu Xasuuqayo.

Kumanaan ka tirsan ciidamada Melleteriga Itoobiya ayaa jiheystay magaalada Mooyaale ee dhacda xadka ay wadaagaan wadamada Kenya iyo Itoobiya halkaas oo ay dagaallo xooggan ka socdaan.

Wararka ka imaanaya dhulka Somaligalbeed ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay xoojisay ciidamadeeda ku sugan degmada Mooyaale oo ay ku dagaallamayaan Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaaman ay shalay kasoo gudbeen degmada Harar waxaana laga cabsi qabaa in ay xasuuq ugeystaan dadka Soomaalida ee qeybta ka ah loollanka kajira Mooyaale.

Sarkaal u hadlay Ururka ONLF ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in shacabka Soomaalida ay ugacma qabanayso Oromada ayna socdaan falal xasuuq ah oo lagula kacayo qoysaska nugul ee awoodi waaye in ay isaga barakacaan dirirta Mooyaale kajirta.

Tirakoob la sameeyay ayaa sheegaya in dad ka badan 80 qof oo isugu jira labada dhinac ee dagaallamaya ay ku dhinteen colaadda ka taagan Mooyaale lagasoo bilaabo bartimihii bishii June 2018.

R/wasaaraha Xabashida Itoobiya ayaa markii uu xilka qabtay wuxuu sheegay in uu wax ka qaban doono colaadda udhaxaysa Oromada iyo Soomaalida oo labaduba kujira gummeysiga Dowladda Itoobiya balse waxaa muuqata in nidaamka cusub ee Addis Ababa uu xaaladda sii adkeeyay.

Somalimemo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: