Home » Wararka » “Dowladda Somaliya & AMISOM Dhab Kama Aha Dagaalka Al-Shabaab” Axmed-Madoobe Iyo Kalmadiisii Shirka Brussels.

“Dowladda Somaliya & AMISOM Dhab Kama Aha Dagaalka Al-Shabaab” Axmed-Madoobe Iyo Kalmadiisii Shirka Brussels.

Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Maanta khudbad uu ka jeediyey shirka Brussels uga furmay madaxda Somaliya waxa uu kaga hadlay arrimaha Dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qodobo kale.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in xilligan dalku aanu lahayn Ciidamo dhisan oo Millateri iyo Boolis ah, taas bedelkeedana loo baahan yahay ayuu yidhi in la dhiso ciidamo qaran oo dhameystiran si looga adkaado Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya, Madaxda  dowlad-goboleedyada iyo Hey’adaha dhaqaalaha siiya lagula xisaabtamo dhisidda ciidamada iyo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal-qaaday shirarkii horay uga dhacay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee lagaga hadlay amniga Dalka. Waxaanu tilmaamey in aan weli waxba ka fulin heshiisyadii ka soo baxay shirarkaasi.

Sidoo kale ,isaga oo ka hadlayey dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Madaxda AMISOM aysan diyaar u aheyn in dalka laga saro Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: