Home » Wararka » FAAH-FAAHIN: Dagaalkii Maanta Dhex-maray Ciidamada Somaliland & Puntland

FAAH-FAAHIN: Dagaalkii Maanta Dhex-maray Ciidamada Somaliland & Puntland

Hakad ayaa ku yimid dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada iyo kuwa Puntland, kaasoo saaka ka bilowday degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Wararka laga helayo deggaannadaasi ayaa sheegaya in hakadka dagaalku uu yimid kadib roobab xoog leh oo galabta ka da’ay goobihii lagu dagaallamay.

Inkastoo aan wali la helin xogta rasmiga ah ee Khasaaraha dagaalka, hadana warar hordhaca ah oo badi warbaahintu faafinayso ayaa tibaaxaya inay jiraan dhimasho, dhaawac, hub iyo gaadiid lakala qabsaday.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka kala tirsan labada maamul ayaa dagaalkii saaka guulo ka sheegtay. Sidoo kale waxay isku eedeeyeen mas’uuliyadda isku dhacii Tukaraq.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, oo isna ka hadlayay magaalada Hargaysa, wuxuu tilmaamay in dagaalkii saaka ay soo qaaday Puntland islamarkaana laga guulaystay.

Dhinaca kalena Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi oo hadlay ayaa sheegay in dagaalkii saaka uu soo qaaday maamulka Somaliland, islamarkaana dib loo celiyay ciidamadooda.

Balse warar ka madax bannaan labada dhinac ayaa sheegaya in labada dhinacba dagaalkii saaka uu saamayn ku yeeshay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: