Home » Wararka » FAAH-FAAHIN: Sarkaal Sare Oo La Dilay Iyo Dagaal Xalay Ka Dhacay Muqdisho.

FAAH-FAAHIN: Sarkaal Sare Oo La Dilay Iyo Dagaal Xalay Ka Dhacay Muqdisho.

Howlgallo iskugu jira dil iyo dagaal toos ah ayay xalay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen degmooyinka Hilwaa iyo Madiina ee magaalada Muqdisho.

Sida ay wararku sheegayaan Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Millateriga Somaliya ayaa xalay fiidkii ciidamad Al-Shabaab ku beegsadeen degmada Hilwaa.

Sarkaalkan oo isla markiiba la khaarajiyey ayaa magaciisa lagu sheegay Salaad Tariina, waxaanay dagaalyahannadii falkaasi fuliyey ay horey kasii qaateen Qorigii uu ku hubaysnaa sarkaalkaasi.

“Mujaahidiinta ayaa howl-gal ku dilay Salaad Tariina oo ka mid ahaa saraakiisha murtadiinta gaar ahaan kuwa milleteriga loo yaqaan, Qori uu watayna waa laga qaniimeystay” ayaa lagu yidhi war lagasii daayay idaacadda Andalus ee afka Xarakada Al-Shabaab.

Goob-joogayaal u waramay warfidiyeenka ayaa sheegay in raggii dilkan geystay ay sidoo kale dileen askari ilaalo u ahaa sarkaalka.

Dhanka kale Xaruntii hore ee Sifeynta Batroolka ee Xaafadda Madiina oo fadhiisin ay ku leeyihiin ciidamada dawladdu ayaa xalay la weeraray.

Dagaalkan oo ahaa mid toos ah ayay xoogagga Al-Shabaab dhowr jiha ka weerareen  fadhiisinkaasi, waxaana dhawaqa rasaasta si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah gudaha iyo duleedka Muqdisho.

Inkastoo khasaaraha dagaalkaasi aanay labada dhinac midkoodna ka hadal, hadana waxay wararka qaar sheegayaan in ciidanka dawladda aad loogu wiiqay dagaalkaasi lana gaadhsiiyey khasaare isugu jira Naf iyo Maal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: