Home » Wararka » Gaas Oo Dacwad Ka Dhan Ah Somaliland U Gudbiyay Beesha Caalamka

Gaas Oo Dacwad Ka Dhan Ah Somaliland U Gudbiyay Beesha Caalamka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo kulan gaar ah magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kula qaatay xubno ka socday Beesha Caalamka ayaa u gudbiyay dacwad ka dhan ah madaxaweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Gaas ayaa Soomaaliland ku eedeeyay in ay mas’uul ka tahay xiisadaha ka taagan deggaanno hoos-taga gobolka Sool. Waxaana dhibaatooyinka dhinaca Bani’adanimada ee ka dhasha xiisadahaasi uu si toos ah ugu eedeeyey madaxweyne Muuse Biixi.

Dacwaddan ka dhanka ah Somaliland ee loo gudbiyay Beesha Caalamka ayaa ku soo aadeysa xilli weli ay xiisado u dhexeeyey Somaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay deggaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: