Home » Aragtida Dadweynaha » GABAY: Bii Bii Sii Iyo Fii Oow Ee Bisinka Yow Diiday? Curintii Suxufi/Abwaan C/Laahi-Soomaali

GABAY: Bii Bii Sii Iyo Fii Oow Ee Bisinka Yow Diiday? Curintii Suxufi/Abwaan C/Laahi-Soomaali

Adigoo bu’weyntiyo ka qalan baal wadnaha kiiye,
Bowdyihiyo dhabarkiyo adoo baf ka yiri qoorta,
Bukaanada halka lagu daweyn laguna baaraayo,
Haddii uu baxnaanada fadhiyo cadaw bir kuu haysta,
Nin Ilaah bariiyoo ma oge laga badbaadshaaye,
Barta godan intuu kaa gelshow booca jarayaaye,

Qolo kaa la baabaan rabaa in aan bidhaan shaaye,
Buunka reer galbeedkee codkiyo baaxada leh xoogan,
Ee buuruhu aanay celi kareyn ama badweyntoone,
Ee bartaan istaagnaba dhegaha nooga bixi waayay,
Ee bah gooyo noo dira iyo Meel biyo la’aana,
Bogayaga warkaan lagu guree la inagu beego,
waa bulaan Maraykan iyo Biritan sowdkiiye,
waa Yuhuudda baaqeed iyo borobagaaankeede,
Bilkastaba balaayiin kumbey ku bixinayaane,
Bii Bii Sii iyo Fii Oow Ee bisinka yow diiday?
Intay baal maraaney war kale la boh boheeyaane.

Bushi iyo waxay huruniyaan boogta weligoode,
Baadil iyo waxay tebinayaan been ibtilo weyne,
Baadinimo waxay nala rabaan lagu ba’ayaaye,
Baybal ‘BIBLE’ iyo waxay nagu duwaan budulki shaydaane,
Bii Bii Sii iyo Fii Oow Ee bisinka yow diiday?
Intay baal maraaney war kale la boh boheeyaane.

Badweyn iyo waxay nagu hafshaan waraha buuxaaye,
Bohol iyo waxay nagu ridaan god iyo booraane,
Waa cadaw is biirsaday hadana boor is mariyaaye,
Boqnihiyo intey kaa jaraan beerka iyo dhuunta,
Budaadidiyo waxay qoda hayaan baaca tobankiiye,
Waa beley dabeyluhu sidaan cudurro baahaaye,
Bii Bii Sii iyo Fii Oow Ee bisinka yow diiday?
Intay baal maraaney war kale la boh boheeyaane.

Bayaanada ibliisku u qoray wada butaacaane,
Waa baaderigu hoonkiisi guud amase buunkiise,
Waa barmiil cadaawuhu tumoo suni ka buuxdaaye,
Waa bam iyo nucleer kagu qarxiyo baaruud holacdaaye,
Baadiyeynta waa lagu yaqaan beylah gelintaaye,
anagoo baraariyo ku nool guri barwaaqeysan,
Beelaha Islaamkoo nabdoon wow ba’ iyo hooge,
Bushimahood colaadbey sidaan beri gashaatow’e,
Bii Bii Sii iyo Fii Oow Ee bisinka yow diiday?
Intay baal maraaney war kale la boh boheeyaane.

Waa bacaw na soo qoomiyo biti xumayaale
Waa niman waxay baahiyaan lagu bukoodaaye,
Waa birmad yahuud xoojiyoo lagu bilayaaye,
Waa baxtin calool galay iyo buro ku taal dhuune,
Waa burris laguugu dhuftaa amase beynaade,
Waa ibliis beden aadmiloo wax burburiyaaye,
Bii Bii Sii iyo Fii Oow Ee bisinka yow diiday?
Intay baal maraaney war kale la boh boheeyaane.

Bulshadaa qafaal ugu jirtoy baqdin geliyaane,
Ciidan baaxadweynaan qabnaa yay la bururaane,
Bowda qaawisbey nagu dilaan boola xooftadaye,
Qorraxdu barri kama imaan beri keligiiye,
Galbeedey ka soo bixi jirtee geliya buugaagta,
Bii bii sii haddii ay tiraa beeni ma hayaane,
Gumeystihii beri hore inuu baxay hadaad mooddo,
Bogaadiyo Maskaxdow degow kuna baryaaye,
Bartamaha aqalkaadadabow ka buskiciyaaye,
Raadiyaha baqtiiya markey soo bul xamayaanba.

WT Wariye/Abwaan Cabdulaahi-Soomaali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: