Home » Suugaan » Gabay: Xabbaddaa Ka Fiicnayd (Taxanaha Waayahaygii Xabsiga)

Gabay: Xabbaddaa Ka Fiicnayd (Taxanaha Waayahaygii Xabsiga)

Marka aad ogtahay cidda keentay qoraallada eedda, isla markaana ku hawllanayd xadhiggaaga, ee aanay haddana wax bog iyo baabbaco lihi soo marsiin karin xumaatada uu qaybta ama hormoodka ka yahay, waa aad xanaaqaysaa. Mar haddii aad xidhan tahayna, waa gar in aad afkaaga ku ciil-baxdaa. Gabaygani waxa uu ka mid yahay kuwii aan ku dhaliilay dadkii ilkahoodu dhiigga lahaayeen ee xariirta iska dhigayay. Nin ayaan kol u baanayaa, wixii aanu kala ahayn weligeedna waan sheegayaa.

Xabbaddaa Ka Fiicnayd, waxa uu yidhi:

Xurmo ruuxli wuu kala yaqaan, xaajo nololeede
Xilkaskaa ka dhawrsada wax aan, xeerka qabanayne
Xajiimaha sokeeyaan nin ragi, xaasha doorbidine
Deeqow mid xaaraamiyaa, xaashi soo qoraye
Xuladkiyo dabkuu oogay baa, xaaladdaa dhigaye
Intuu dhaafay xeyndaabka guud, xiisad igu oogye
Xabbaddaa ka fiicnayd waxay, xarunta geeyeene!

Xadhiggaygu Dooddow wallee, xeerka wuu geliye
Xiddigiisu goortuu dhacaan, xoog u helayaaye
Xuurtoon la yaabiyo kol buu, xiiq wajahayaaye
Kuman Xaaji way soo ergoon, xaw anoon jarine
Haddii uu xareed fuuqsadoo, xoorna lagu sooro
Intuu xaabna waayuu dhawaan, xaasid murugoone

Xantoobiyo hadday leexsadeen, xoolihiyo maalka
Waxan fili xisaab lagu tigtigo, xaabsi kii falaye
Xarraggada masuulnimo kobtaa, lagu xannaaneeyay
Inta laga xayuubshuu waqii, xaalad-waa noqone

Xasuusaha tafiirtiyo haddaan, xagasha daymoodo
Doqonniimo waa lagu xantaa, xaafadduu yahaye
Xilligiyo wakhtiga meerayiyo, xaalku maad curiye
Xaaxeeyo ila loollantaa, xaadir loo yahaye
Haddii aan xasuusaha furfuro, waa xaqiiq qorane
Xilligii Daraawiishta iyo, boobki lagu xaaqmay
Xiniinyii Warfaa uu lahaa, waa xus ii dhigane
Xabaal buu ka doorbiday inay, cidi xabaadhaaye

Xinjiraha colaadeed markii, laysku xagaf-siiyay
Xushmad baa Gahayr loogu qiray, xeeladduu degaye
Xubin iyo aftahannimo dhankiyo, maanso xarafkeeda
Xikmad-hadalka waa looga hadhay, xaasha baanaha’e
Maxamuud xaqiiqdii shacbigu, wuu xurmayn jiraye

Anigoon xabaal tegin ma geyo, xaalad quudhsiya’e
Xabsi buu lib moodee hadday, xaw-jar ila gaadho
Xajiintiyo dhibaatada jirtaba, waan xammilayaaye
Xasillooni uma seexdo kaan, xaabi leeyahaye

Xerkeg iyo haddaad tahay nimaan, xeeri garanaynnin
Xadhig-maran kolkaan kugu noqdaad, xaaduqow cabanne
Bal xafiilka ruuxii lib hela, xoonku waa marage
Sida xaabo ruuxii noqdiyo, xooggu nimu raaco
Alleylehe xasaradaha mar baa, xaadir leeyahaye
“Xejisaan” ku leeyahay adaa, xiisaddaa rabaye!

Qoraa/Abwaan Saciid Maxamuud Gahayr.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: