Home » Wararka » Hal Askari Kama Badbaadin Qarax Maanta Dhacay Oo Gaadhi Lagaga Gubay Ciidamada AMISOM.

Hal Askari Kama Badbaadin Qarax Maanta Dhacay Oo Gaadhi Lagaga Gubay Ciidamada AMISOM.

Khasaare lixaad leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qarax aad u xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay degmada Buula Mareer oo katirsan gobolka Sh/Hoose.

Jugta qarax aad u xooggan ayaa laga maqlay gudaha iyo hareeraha degmada waxaana la sheegay in qaraxa ay ku hoobteen ciidamo katirsan kuwa Midowga Afrika gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Uganda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino uu gabi ahaanba burburiyay gaari nuuca gaashaaman ah oo ay la socdeen ciidamada AMISOM, majiro hal askari oo ka badbaaday qaraxa waxaana dhintay dhammaan ciidamadii saarnaa gaariga sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay sheedda ka arkayeen holac iyo qiic ka baxaya goobta gaarigu ku gubtay, Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

SomaliMeMo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: