Home » Wararka » HARGEYSA: Waftigii Nabadaynta Ceel-afweyn Oo Maanta Ka Ambabaxay + Culimo Caan Ah Oo Qayb Ka Ah.

HARGEYSA: Waftigii Nabadaynta Ceel-afweyn Oo Maanta Ka Ambabaxay + Culimo Caan Ah Oo Qayb Ka Ah.

Waftigii nabadaynta deegaanka Ceel-afweyn ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa iyaga oo ku sii jeeda deegaanka colaadda dabada dheeratay ka taagan tahay ee Ceel-afweyn.

Wafti maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa kor u dhaafayey 100 qof oo ka mid ah waxgaradka Somaliland, waxaana waftiga qayb ka ah culimo caan ka ah ee Somaliland oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Cali Gadhle, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed iyo Sheekh Cabdillahi Sheekh Cali Jawhar.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyaduna qayb ka ah waftigan waxaana hoggaaminaya wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed. Sidoo kale Siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo waxgarad kala duwan ayaa ku jira kuwaasoo dhammaantood saamayn ku leh saaxada siyaasadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa xarunta Madaxtooyadda kaga dhawaaqay in waftigan ballaadhan ay u anbabixi doonaan deggaanka Ceel-afweyn ee ay ka taagan tahay colaadda u dhexaysa beelaha walaala ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: