Home » Wararka » Iiraan Oo Ay Ka Socdaan Banaanbaxyo Waaweyn.

Iiraan Oo Ay Ka Socdaan Banaanbaxyo Waaweyn.

Magaalada Dhahraan caasimadda wadanka Iiraan iyo magaalooyin kale oo katirsan wadankaas ayaa laga soo sheegayaa banaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah maamulka talada haya ee wadankaas.

Dadka dibadbaxyada dhigaya waxay ka cabanayaan dhaqaalo xumo baahsan oo soo wajahday shacabka Iiraan, waxayna codsadeen in la joojiyo faragelinta dowladooda ay ku heyso wadamo kamid ah caalamka Islaamka.

Dibadbaxyaashu waxay afka saareen xarunta baarlamaanka ee ku taalla magaalada Dhahraan, balse waxaa si adag uga horyimid ciidamada amaanka.

Dowladda Iiraan ayaa fargaelin ku heyso wadamo badan oo katirsan caalamka islaamka, gaar ahaan Suuriya iyo Yaman, waxaana dhaqaalaha ku baxa faragelinnadaas laga dareemayaa dakhliga shacabka Iiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: