Home » Wararka » In Ka Badan 50 Askari Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Weerarro Ka Dhacay Afganistan.
Afghan policemen stand guard at the site of an attack in Kabul, Afghanistan May 14, 2015. REUTERS/Mohammad Ismail

In Ka Badan 50 Askari Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Weerarro Ka Dhacay Afganistan.

Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dagaallo culus ku qaaday saldhigyo Ciidanka Dawladda Afganistaan ay ka kala sameysteen Waqooyiga  iyo Badhtamaha dalkaasi.

Dagaalka Kowaad waxey ciidamada Daalibaan ku qaadeen saldhigga Ciidanka Ashraf Gani ay ka sameysteen deggaan hoostaga degmada Sayid Abad ee gobolka Meydan Work ee badhtamaha dalka Afghanistan.

Ciidamada Daalibaan ayaa si buuxda ula wareegay gacan-ku-heynta fadhiisinka ciidan ee ay weerareen, iyadoo dagaalkan khasaare culus lagu gaadhsiiyay ciidamada Xukuumadda Kaabul.

Inta la xaqiijiyay dagaalkan waxaa lagu dilay 21 askari oo ah kuwa Ashraf Gani labo askarina nolasha ayaa lagu qabtay, sidoo kale ciidamada Daalibaan waxay dagaalkan ku gubeen saddex gaadhi oo noocyada gaashaaman ah, tiro hubna way la wareegeen.,

Weerarka Labaad oo ahaa dagaal toos ah ayaa waxey ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ku qaadeen saldhig iyo fadhiisimo kale oo ciidamada dawladda Afganistan ay ka sameysteen deggaano dhaca duleedka degmada Imaam Saaxib ee gobolka Qunduuz oo dhacda Waqooyiga Afganistan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan lagu dilay 19 askari saddex iyo toban kalane waa lagu dhaawacay, hal askarina nolasha ayaa lagu qabtay, kuwaasi oo gabi ahaantoodba ah ciidanka xukuumadda Afganistan, waxeyna sido kale ciidamada Daalibaan gacanta ku dhigeen hub fara badan.

Weeraradan ka kala dhacay Waqooyiga Iyo Badhtamaha dalka Afganistan ayaa qeyb ka ah howlgalka Al-khandaq ee ciidamada Mujaahidiinta Daalibaan ay sida tooska ah uga wadaan 34-ka Gobol ee uu ka koobanyahay dalka Afghanstan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: