Home » Wararka » Itoobiya Oo Beenisay In Imaaraadku Kaalin Ku Lahaa Heshiiska Ay La Gaadheen Ereteriya.

Itoobiya Oo Beenisay In Imaaraadku Kaalin Ku Lahaa Heshiiska Ay La Gaadheen Ereteriya.

Iyadoo dhawaan heshiis ay gaareen dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya kaas oo soo afjaraya colaadda tobanaan sano oo xiriir ah u dhexeysay labada dal ayay dowladda Imaaraatku sheegtay iney kaalin ku lahayd arintaas.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha dibadda Anwar Qarqaash ayaa shaaca ka qaaday in Muxamed bin Zaayid uu kaalin weyn ku lahaa heshiiska ay gaareen Ereteriya iyo Imaaraatka.

Anwar ayaa sheegay in heshiiska labadaas dowladood ay faa’iido gaar ah ugu jirto Imaaraatka.

Sheegashada Imaaraatka waxaa durba beeniyay dowladda Itoobiya, Afhayeen u hadlay xukuumadda Adis-Ababa ayaa shaaca ka qaaday ineysan jirin gacan sadexaad oo kaalin ka geysatay heshiiska Ereteriya iyo Itoobiya.

Dhawaan ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu booqasho ku tagay magaalada Asma ee caasimadda Ereteriya, waxaana uu lasoo kulmay madaxweynaha dalkaas Siyas Afwerki, iyagoona gaaray heshiis dhowr qodob ka kooban oo colaada labada dal lagu soo afmeerayo.

Xigasho: Radio AlFurqaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: