Home » Wararka » Itoobiya Oo Map-Ka Wadamada Africa Ka Saartay Soomaaliya.

Itoobiya Oo Map-Ka Wadamada Africa Ka Saartay Soomaaliya.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa soo saartay Khariiradad muujinaysa in aysan aqoonsaneyn wax la dhaho dalka Soomaaliya taas bedelkeedna ay dal madax banaan u ictiraafsantahay maamulka Somaliland.

Bogga rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu baahiyay Khariiradadda Afrika oo maamul ahaan laga saaray dalka Soomaaliya waxayna Itoobiya Soomaaliya ku darsatay dalkeeda.

Khariiradadda oo lagu xusay dhammaan wadamada qaaradda Afrika ayaa laga reebay Soomaaliya oo sida muuqata Itoobiya ay u heysato in uu ka mid yahay dhulkeeda, dowladda Itoobiya waxay dowlad madax bananaan u aqoonsatay maamulka Somaliland sida ku cad Map-kan cusub.

Saacado baraha bulshada [Social Media] laysla dhax qaadayay arrintan layaabka leh kadib war ka kasoo baxay dowladda Itoobiya ayay ugu dambeyn wasaaradda arrimaha dibadda Addis Ababa waxay go’aansatay in ay tirto khariiradadda waxayna ku bedeshay calanka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa cadaawad fogaatay u qabta shacabka Soomaaliyeed waxayna doonaysaa in ay wada qabsato dhammaan gayiga Soomaaliya, sanaddii 2014 ayay Q,Midoobay ciidamada Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga dalka sharciyad u siisay in ay sii wadi karaan duullaankooda iyagoo huwan shaadhka AMISOM.

Sanaddii 2018 Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Itoobiya ayaa Farmaajo ka saxiixay in dalka Soomaaliya lala midaynayo Itoobiya iyo Eritrea iyadoo lagu marmarsiyoonaya Nabadeynta wadamada geeska Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: