Home » Wararka » Itoobiya Oo Walaac Ka Muujisay In Amisom Ka Baxaan Soomaaliya.

Itoobiya Oo Walaac Ka Muujisay In Amisom Ka Baxaan Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya, oo kamid ah dowladaha ugu horreeya ee fara galinta milatari muddo hore kusoo hayay dalka Soomaaliya, ayaa si aad ah uga walaacsan iney ciidamada Amisom, ka baxaan Soomaaliya, iyadoo ku baaqday iney joogaan.

Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaas Meles Alem, ayaa waxa uu yiri: “Itoobiya ahaan ciidamada Amisom wey joogayaan Soomaaliya, illaa kooxda Al-Shabaab laga wiiqo”

Itoobiya, ayaa si dhab ah u yaqiinsan in haddii la dhimo ciidamada Amiosm, aaney askartoodu sii joogi karin dalka Soomaaliya, waana midda keeneysay iney sidan u cataabaan.

Arrinta kale ee meesha ku jirta ayaa waxay tahay in ciidamadan Amisom, markii horaba loo keenay iney gurmad u noqdaan ciidamadii Itoobiya ee ku dhiig-baxay dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana askartii ugu horreysay ee Amisom, ay soo duuleen sannadkii 2007-dii iyagoo haatan dalka jooga muddo 10 sano ah.

Sannadkii 2016kii bishii June, ururka midowga Afrika, ayaa sheegay inuu go’aan ku qaatay in la dhimo ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, illaa ugu dambeyntii dalka laga saaro, waxaana jira in sannadkii tegay ee 2017kii dalka laga saaray illaa kun askari, halka sannadkan loo ballansan yahay in sidaas oo kale kun iyo dhowr askari lagu celiyo dalalkooda.

Billowgii todobaadkan ayay ahayd markii uu taliyaha ciidanka Uganda, shaaca ka qaaday in ciidamadoodu ku ilka beeleen dagaalka islamarkaana ay danta ku kalliftay iney is uruuriyaan oo ay degaano dhowr ah dib uga laabtaan.

Iskusoo wada duuboo, hadalka walaaca ah ee kasoo baxay Itoobiya, ayaa wuxuu muujinayaa taag-darrida ciidamadooda iyo hadafka dheer ee ay Soomaaliya ka leeyihiin oo ay iney si toos ah u qabsadaan.

Xigasho: Amiirnuur

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: