Home » Caafimaadka » KA BOGO: Faa’idooyinka Caafimaad Ee Basasha.

KA BOGO: Faa’idooyinka Caafimaad Ee Basasha.

Cilmi-baadhisyo badan ayaa banaanka soo dhigay in cunista basasha faaido badan oo caafimaad ku lammaan yihiin, inkastoo ay qadhmuunayso urta afka, haddana waxay daraasadahaasi soo jeediyeen in qofku ka cuno xaddi ku filan, sidaa daraadeed haddii aanu qofku hore u cuni jirin basasha, waxa hubaal ah inuu cuni doono, hadduu akhriyo faa’iidooyinka soo socda.

Waxa ay daawo u tahay xannuunada fudud ee wadnaha: Bashashu waxay daawo ka-hortag ah u tahay xannuunada fudud ee wadnaha, cilmi-baadhisyo la sameeyeyna waxay iftiimiyeen in maadada la yidhaa Antioxidant Quercentin oo basasha laga helo ay qofka ka caawiso inuu iska saaro waxyaabaha sababa xannuunada sahlan ee wadnaha ku dhaca.

Waxay ka shaqaysiisaa hab-dhiska difaaca (Immunity): Maadada Phytochemicals ee laga helo basasha waxay jidhka ku badisaa Vitamin C, kaasoo u wanaagsan hab-dhiska difaaca cudurrada ee jidhk, qofka basal dheellitiran cunana ee cuntada ku darsada waxa uu si fiican isaga difaacaa xannuunada ay ka midka yihiin lafa-garaaca iyo hargabka.

Waxay u wanaagsan tahay hurdo la’aanta: Sidoo kale maadada Phytochemicals ee ku jirta basashu waxay qofka daawo ka tahay hurdo la’aanta. Qofku markuu cuno basasha ee uu cuntada ku darsado waxa hubaal ah oo daraasado la sameeyey sheegeen inuu hurdo fiican habeenkaas helayo.

Dalalka qaar markii uu qofku ka cawdo hurdo la’aan wax yaabaha loo qoro waxaa kamid ah hurdo la’aanta.

 Waxay gubtaa duxda: Qofku marka uu cunto cuno wuxuu u baahan yahay inta jidhku u baahan yahay inta aan ahayn uu jidhka ka daadiyo, taasna waxa qofka ka caawin karta inuu jimicsi sameeyo amma cuntada ku darsado basal badan.

Waxay baabiisa haaraha: Basasha oo uu ku badan yahay Vitamin C iyo maadooyinka la yidhaa antiseptic, waxaanay arrintaasi qofka basasha cuna u saamaxda in ay ka baaba’aan haddii uu leeyahay haaraha dhabanada ku dhiga, waxaannu qofku basasha oo qaydhin ku xoqi kara intuu laba jeex ka kala dhigo dhabannada amma maqaarka madawgu ku dhigo amma waxa uu ku qasi karaa caano ciir ah amma la fadhiisiyey inta uu basasha ridqo, waxaannu muddo 10 ilaa 15 daqiiqo ah ku daynaya maqaarka, kadibna biyo qabow buu isaga maydhaya, taasna waxa lagu arkay tijaabooyin iyo daraasado la sameeyey, waxana lagu guulaystay in haaraha bashashu jarto.

Waxay dheellitirtaa Sonkorta Dhiigga ku jirta: Qofka macaanka qaba waxa inta badan lagula taliyaa inuu cuntada ku darsado basasha, taasina waxay u saamaxdaa in dhiiggiisa xaddiga sonkorta ee ku jirtaa dheellitirmo,

Calool-Xannuunka ayey daawo ka tahay: Basasha waxa ku jira waxyaabo daawo ka ah xannuunka iyo garaaca, bakteeriyadana laysa, taasina waxay keentaa in qofka cuna aannu caabuq caloosha ku yeelan, halka ay sidoo kale ka caawiso in gaastariga qofka aanu ku dhicin.

Sidoo kale cilmi baaris la sameeyay sannadkii 2016 ayaa lagu ogaaday in basasha oo casiir laga sameeyo ay hoos u dhigto kana hor tagto bidaarta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: