Home » Aragtida Dadweynaha » Kaalintii Ay Hooyadu Ku Lahayd Noloshii Reer Guuraaga Iyo Dhibaatooyinkii Ay Ka Dhaxashay Cumar Axmed Cali. Q/2aad

Kaalintii Ay Hooyadu Ku Lahayd Noloshii Reer Guuraaga Iyo Dhibaatooyinkii Ay Ka Dhaxashay Cumar Axmed Cali. Q/2aad

2) Hirgalinta aqalka Soomaaliga; Soomaalidu markii ay ku tafiirantay gayigan aynu maanta ku nool nahay, waxay kala kulmeen caqabado ka horyimid habsami u socodka hamigoodii ahaa in ay dhidibada u taagaan nolol xasiloon oo ka hirgasho dhulkii xeebaha ah.

Waxaana taa ugu wacnaa dadkii ay ugu yimaadeen dhulkan oo aan la hayn xadaarad iyo ilbaxnimo ay ka dhaxlaan, taa soo sababtay in ay waayaan adeegyo badan oo ay baahi weyn u qabeen, sida helida guryo la jaanqaadi kara nolosha reer guuraaga. Hadaba waxaan halkan si kooban ugu tilmaami doonaa, sidii hooyooyinkii hore ee Soomaaliyeed ugu guulaysteen in ay gufeeyaan baahidii guri la’aaneed ee la soo daristay markii ay bulshada Soomaalidu ka aas aasantay geeskan Africa ee aynu maanta ku noolanahay. Waxa kale oo aan isdultaagi doonaa haddii RABI ogolaado

sidii ay hooyooyinku ugu dhabar-adaygeen howshii aan dhamaad lahayn ee ka qabsatay taabo galintii Aqalka-soomaaliga.
Guryihii dugsoonaa ee Soomaalidu soo kala dhaxlijirtay fac ilaa fac, waxa injiineero iyo farsamayaqaanba ka ahaa haween Somaliyeed oo aan nuuxsiga aqoon, ku waa soo mar walba heegan u ahaa sidii ay u hirgalin la haayeen aqaladii quruxda badnaa ee Soomaalidu ku soo hanaqaaday.
Dhisida guriga-dasadu maaha hawl si dhib-yar loo fuliyo, ee waxay ku midho-dhashaa waa tacab iyo dadaal badan oo aan nasasho lahayn, waxaana howshaa heegan u ahaa hooyooyin ku xeeldheer nashqadaynta iyo samaynta Aqalka-soomaaliga, ku waa soo ka curin jiray cowska iyo dhirta oo ay si farshaxannimo leh iskugu habeeyeen.
Hiddaha iyo dhaqanka Soomaalidu waxa kaalin mihiim ah kaga jirey hirgalintii Aqalka-soomaaliga, kaa soo daboolay baahidii la soo daristay markii dhidibada loo taagay noloshii reer guuraaga, xiliyo aanay jirin magaalooyin camiran iyo maamul lagu tiirsadaa midna. Inkastoo abyidda Aqalka-soomaaligu ahayd howl midho dhashay, hadana waxay dhiigbax iyo dhabar-jabba ku ahayd, hooyadii la kacaa-kufaysay sidii ay u hirgalin lahayd hoy laga dugsado Dhaxanta iyo Hanfiga jiilaalka. Dhisida iyo samaynta Aqal-soomaaliga maaha howl marnaba dhamaata, ee waxay u baahan tahay shaqo joogto ah oo habeen iyo maalinba loo taagnaado, waxaanay taasi warwar badan ku haysay hooyadii jiif iyo joogba ku wayday howshii aan dhamaadka layn ee taalay noloshii baadiyaha.

3) Geediga iyo waayihiisa; Geedigu waa astaan ka mid ah astaamaha lagu yaqaano reer guuraaga, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay ka ugu dhibta iyo rafaadka badan nolosha baadiyaha, marka la eego diiftii iyo daalkii ay kala kulmijreen xiliyada ay reeruhu guurayaan.
Geedigu waxa uu ku yimaadaa siyaabo badan oo kala duwan, waxa’se ugu caansan seddex marxaladood oo keena geediga la guuro, midda koobaad waa xiliga kaliisha ee xooluhu abaarsadaan islamarkaana loo raadinayo meel ay ku yaalaan geedo qoyan oo xooluhu ku doogsadaan, midda labaad waa xiliga dayra-dhaafka oo loo guuri-jirey meelaha Biyaha agtooda ah, si ay dadka iyo duunyadaba ugu dhawaadaan ceelasha laga cabo, midda sadexaadna waa marka ay beeluhu isqoonsadaan dhexdoodana colaaduhu ka qarxaan ee qolo waliba dhinac u firdhato. Si-kastaba ha ku yimadee waxa hubaal ah in dhibta ugu badan ee geedigu ku dhici-jirtey hooyadii Soomaliyeed ee la daalaadhacaysay duruuftii iyo waayihii qadhaadhaa ee ku haystay noloshii baadiyaha, taa soo dhibta iyo rafaadka ay la noolayd uu ka muuqan jirey oogadeeda . Hadaba marka uu roobka gugu ka ka hooro dhulka daaqsinta ku haboon, waxa loo hayaami-jirey halka ay deegaantu ka curatay, si loo gaadho kaymo rays iyo ugbaad leh oo xooluhu ka gu’yaad sadaan. Sida uu dhigayo sharciga reer guuraagu, waxa go’aanka geediga iska leh odayaasha reeraha u taliya, iyagaana cayimi jirey xiliga la guurayo iyo meesha loo guurayo. Waxa kaloo iyana qasab ahayd in la rarto guryihii ay ka dugsan-jireen dhaxanta iyo milicda jiilaalka.
Markay ay hooyodu maqasho go’aanka geediga waxay u diyaar garoobi jirtay sidii ay waabariga u raran lahayd awrteeda, iyadoo islamarkaaba bilaabi-jirtay howsha geediga ee hortaala, waxaanay u kala horaysiin jirtay hadba sida ugu suuragalsan ee ubadkeeduna u sii dugsan lahaa guriga, iyaduna howsha iskaga sii fududayn la hayd.
Hooyadu habeenkaa may seexan jirin ee waxay la xarbiyi jirtay sidii ay iskugu dubaridi lahayd howsha geediga ee sugaysa, waxaanay raridda awrta bilaabi jireen intaan waagu baryin, caawimo mooyee hooyadu iyadaa u taagnayd rarashada awrteeda. Waxa kale oo suuro gal ahayd in hooyadu qabto duruuf iyo waayo u gooni ah oo ay la tiicayso, hase yeeshee wakhtiga iyo waahaya la joogaa u ogolaan waayay in ay hesho daryeelkii iyo caawimadii ay u baahnayd, sababta oo ah xiligaa wax waliba way xadidnaayeen mana jirin wax lagu daryeelo oo halkaa yaalay. Hooyada lafteeda way u muuqatay in aanay jirin meel kale oo ay u ciirsataa, oo aan ahayn noloshaa geediga iyo galab carowga ku dhisan.
Si-kastaba xaalku ha ugu adkaadee hadana hooyo waliba waxay salaada-hore hogaanka u qaban jirtey awrtii ay u saarnaayeen aqalka iyo ubadka yar yar ee lugayn kariwaayay.
Iyadoo hooyadu diifta iyo daranyada ka muuqata aanay cidi qiyaasi karaynin ayay hadana gali jirtey boqolaal mayl oo socod iyo soomal-haad ah, waxaayna maalintii oo dhan sii dhex jibaaxi jirtey dhul oomana ah oo ci’da shimbiraha iyo duurjoogta mooyaane aanay jirin wax kale oo la weheshadaa.
Hooyada socodka daalka badan ee haystay waxa u dheeraa oonka iyo gaajada ay la qama-dhacyoonayso, maxaayeelay halkaa kamay jirin hudheelo iyo dukaamo marka la gaajooto loo doonto cunto iyo biyo nafta lagu sabaa.

Waxa kasii darnaa markay reeruhu guuraan hooyadu waxay xambaari-jirey ilmaha yar ee awrta iyo lugta midna u qaban waaya, waxaanay dhabarka ku sidi jirtey maalin oo dhan iyadoo mararka qaar xanbaarsanaan jirtey cadeed-soobax ilaa gabal-dhac.

Waxay hooyadu ilmaha yar ee ay dhabarka ku sido, kala gudbi jirtey dhul aad u kala fog oo ay adag-tahay in ay cidiba ku noolaato, taa soo iyada iyo ilmaha yar ee ay xambaarsan tahayba hanfiga iyo milicdu ku leefaysi-jirtey dhulka omoska ah ee ay la lugaynayso.
Inta badan markuu gabalku sii dhacayo waxa reeraha la furi jirey meel cidlo ciirsila’ ah oo aanay ka jirin goryo ay dadku seexdaan iyo xerooyin ay xooluhu u hoydaan midna.
Hooyadii xalay oo dhan la xarbiyaysay furfuridda iyo raridda aqalka, ee maanta oo dhan awrta raran gadhka jiidaysay, ee ka soo gudubtay boqolaal mayl oo gaajo iyo haraad yaalo, ee daalka iyo gaajada haysa cagaha dhulka la waa waayaysa, ayaa hadana laga sugayay in ay dhisto gurigii loo hoyan lahaa, iyo in ay kariso cuntadii la quudan lahaa, taa soo baahida loo qabaa ay tahay mid heerkeedu aad u sareeyo, sababtoo ah sabiga gaajaysani ma awoodo in uu u sii adkaysto dihaalka gaajada ee uu la dubayoobay.
Waa Hooyo 24saacdood oo xidhiidh ah la ladgamaysay howl aan kala go’ lahayn, oo hadana ay u bilaabmayso mid kale oo oodeheedii wadataa, oo ilowsiisay daalkii iyo gaajadii ay la ciirciiraysay. Waxa kasii daran halkaa inta badan ma oolin mahadnaq iyo hadalo beerqabiwsi leh oo hooyada samirka u xoojiyaa. Waxa’se wehel u ahaa adkaysigii iyo yuhuuntii ay ka dhaxashay jiilkii iyada ka horeeyay ay ka midka ahaayeen hooyadeed iyo ayeeyooyinkeed, ku waa soo ay u garaadaysatay iyagoo la xarbiyaya howl aan dhamaad lahayn.

By Cumar Axmed Cali; cumaraxmed

331@gmail.com/0634244802.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: