Home » Wararka » Kismaayo: Wiil Aabihii Qoorta Ka Jaray

Kismaayo: Wiil Aabihii Qoorta Ka Jaray

Wararka kasoo baxaya deggaanka Buulo-guduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Wiil yari uu Aabihii qoorta ka jaray.

Deggaanka Buulo-guduud ayaa 30KM u jira Magaalada Kismaayo. Dadkii goob-joogga ka ahaa dhacdadani oo warfidiyeenka la hadlay ayaa aad uga yax-yaxay falkan foosha xun.

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Warsame Aadan Axmed oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dhacdadaas markii lagu soo wargeliyey ay tageen Goobtii uu falka ka dhacay,isla markaana ay gacanta ku dhigeen Wiilkan Aabihiis dilay xilli uu doonayey in uu baxsado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: