Home » Aragtida Dadweynaha » Ku Darso Tilmaamahan Garashada Tolmoon – Dr. Cabdulqani Beder

Ku Darso Tilmaamahan Garashada Tolmoon – Dr. Cabdulqani Beder

Kawkan aynu ku nool nahay waxa uu ku shaqeynayaa sharci la yidhaahdo “Sunnada kawnka”, waa xeer jaango’an oo Alle dejiyey, wax kastaana ku kala socdaan.
Cumriga adduunkani waa “xidhmooyin xilliyeed” is daba socda oo is gedgeddiyaya.

Xidhmooyinkaasi waxa ay leeyihiin saameyn xilli, waxa kale oo ay leeyihiin muuqaallo astaamo gaar ah ku suntan, tusaale ahaan, waxa uu xilligu noqon karaa mid ku suntan barwaaqooyin, nabadgelyo, caafimaad guud iyo deganaansho nololeed, ha dheeraado xilligaasi ama ha gaabto e.
Waxa kale oo suurowda, in xilligu noqdo mid colaadeed, abaaro, qalaanqallo siyaasadeed, qax iyo kadeed ay noloshuba ku jirto.

Qofka garashadiisu ku kooban tahay “xidhmo-xilliyeedka” uu nool yahay oo keliya, fahamkiisuna waxa uu ku xadeysan yahay xaaladahaas uu la nool yahay oo qudha!

Qofka haddii aanay garashadiisa hagin rumeyn ka xooggan waxan uu arkayo oo keliya, aqoontiisuna aanay ahayn mid ka durugsan inta uu noloshiisa ka bartay oo keli ah, waxa uu noqonayaa qof aragti gaaban, fahamkiisu koobana yahay.
Sababtuna waxa weeye xadeysnaanta ay xogtiisa oo dhammi ku xadeysan tahay xidhmo-cumriyeedkaas uu nool yahay iyo dhacdooyinkeeda deegaaneed oo keliya.

Xog-ogaalnimada qofeed ee ku aaddan dhacdooyinka taariikheed ee adduunkani soo maray iyo sunnaha Alle-korreeye- kawkan u dejiyey ee uu ku socdo, iyo weliba rumaynta caqiido ee ku aaddan mustaqbalka danbe ee dunidan ayaa qofka siiya faham ballaadhan iyo maan furni dheeraad ah.

Haa, maskaxdaada ayaa ku koreysa dhacdooyinka iyo sheekooyinka waxtarka leh ee adduunkan soo maray, ilo-xogeedyada lagu kalsoon yahayna lagu soo tebiyey.
[Dhab ahaan sheekooyinkoodu waxa ay u yihiin cibro qaadasho/waano inta caqliga iyo garashada u saaxiibka ah} suurat Yuusuf, aayadda 111aad.

Sidaas oo kale, rumeynta iyo fahamka waxa ka dhexeeya xidhiidh xoog badan.

Rumeyntu waxa ay tayeysaa fikirka qofka, sidoo kale waxa ay toosisaa fahamkiisa nolosha.
Waxa aad quraanka ku arkaysaa in badan iyada oo Alle- sarreeye- uu ku ammaanayo kuwa isaga iyo aakhiro rumaysan xil kasnimo, garasho dheeraad ah iyo waano qaadasho.

Aayadaha ugu danbeeya suurat Yuusuf (104-111) ee Alle ku soo gabogabeeyey qisada dheer ee Nebi Yuusuf-CS-waxa ay xambaarsan yihiin tilmaamo la yaab leh oo ku aaddan ka dhinbiil qaadashada sheekadaas iyo la’aanteeda, cidda ay cibrada iyo waanadu ugu sugan tahay iyo cidda mooggan, haddiiba ay maqashana aan waxba ka faa’iideyn.
{Maaha war been abuur ah, waa mid rumaynaya wixii ka horreeyey, – quraankanina- waa mid qeexaya wax kasta, waxa uu hanuun iyo naxariis u yahay kuwa rumeynta iyo iimaanka leh} suurat Yuusuf, aayadda: 111aad.

Halka kuwa quluubtoodu rumeynta Alle qawadday ee ka qaawan uu ku ceebaynayo faham darro iyo garasho yari, iyo inaanay dhacdooyinka iyo cajaa’ibka kawkani waxba u tarayn, waayo weelkii garashada qaban lahaa waanaduna anfici lahayd ayaa gunta ka daloola oo bilaa iimaan ah !

{Badanaa inta aayadood/mucjiso ee cirka iyo dhulkaba ku sugan ee ay arkayaan/ duljoogsanayaan iyagoo ka foorora} suurat Yuusuf, aayadda: 104aad.

{Waxaad ku tidhaahdaa: bal eega waxa cibro qaadasho ku sugan samooyinka iyo dhulka, maxay aayadaha mucjisada ah iyo waanadu u tarayaan iimaan laawayaasha}! yuunas, aayadda 101aad.

Arrimahani waxa ay qayb ka yihiin kala duwanaanshaha xagga fahamka ee aadmiga ka dhex jira, ka soo dhex jiray, kana sii dhex jiri doona.
Allahayow iimaanka iyo fahamkaba noo toosi oo noo xooji. Aamiin dheh ducada.

 

Dr-Abdulqani Beder

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: