Home » Aragtida Dadweynaha » Ma Ogtahay ….!!! Qalinkii Cabdalla C. Faarax (Geel-qaad)

Ma Ogtahay ….!!! Qalinkii Cabdalla C. Faarax (Geel-qaad)

Ma ogtaahy in korodhka tirada dadyowga ku nool qaarada madow iyo dunida muslimka ah; lagu hayo il gaar ah. Saamaynta ay dunida ku keeni karto korodhkaasi na, si balaadhan oo cilmiyeysan loo dersay, si loo unko hindiseyaal wax-ku-ool ah oo ku dhisan siyaasad qabow iyada oo lagu fulinayo hawlgalada lagu magacaabo mucaawinooyin bani-aadannimo (humanitarian aid).

In korodh u dhigma kan muslimiinta, lagu wacyigeliyo dadyowga ku nool dunida horumartay waa ay suurtoobi weyday. Taa beddelkeed waxa la qorsheeyey in la abuuro tallaabooyin dhowr ah sida:

In dawooyinka ka hortaga dhalmada lagu dhiirigeliyo, lana geeyo dunida saddexaad.

In la soo qaado dadyowga ku baro kacay gudaha dunida saddexaad si loogu tarmiyo waddamadooda.

In laga abuuro gudaha dunida saddexaad colaado iyo dagaalo hor leh si ay isu gumaadaan iyada oo kolba laga dhex abuurayo falaago taageero la siin karo.

In la wiiqo dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka dal leeyahay, si ay ugu nuglaadaan abaaraha iyo gaajada; dad badanna ku nafwaayaan.Taasi na waxa markhaati u ah siidhka tirada badan ee laga keeno dibadda iyo hadhuudhka mucaawinada ah ee lagu soo beego marka dalagu ka soo go’o beeraha.

In la geeyo mucaawooyin kooban xilliyada qaar si loo tuso in dunidu heegan u tahay, taasi na ay keento isdhigasho iyo ku tiirsanaan gacmo kale; xilliga la doonana la jaro mucaawinada.

Tafiirta dadka lagu qaaday qaxooti ahaan, waxa la qorsheeyey in ay qaadan doonaan diinta deegaanka ay ku nool yihiin. Dadkaas waxa la rabaa in lagu sii dhaqo fikirka dhalmada badan ee waalidkood ka dhaxleen. Waxa ayna buuxin doonaan korodhka tirada dadweynaha ku dhaqan.

Xigasho madax bannaan.

Cabdalla C. Faarax (Geel-qaad).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: