Home » Wararka » Maxaad Ka Taqaan Cumar Xasan Al-Bashiir & Nidaamkiisa 30 Sana Jirka Ahaa? [WARBIXIN].

Maxaad Ka Taqaan Cumar Xasan Al-Bashiir & Nidaamkiisa 30 Sana Jirka Ahaa? [WARBIXIN].

Cumar Xasan Al Bashiir waa siyaasi Melleteri ah talada wadanka Suudaan ayuu Inqilaab Melleteri kula wareegay sanaddii 1989.

Al Bashiir wuxuu kamid ahaa mas’uuliyiinta fara kutiriska ah ee iyagoo talada haya loo jaray waaral lagusoo xirayo laguna hor geynayo maxkamadda dambiyada dagaalka ICC.

Al Bashiir ayaa ku dhashay tuulad Xoosh ee waqooyiga wadanka Suudaan sanaddii 1944, Waxbarashadiisa badankeeda waa arrimaha Melleteriga iyo maamulka sanaddii 1881 ayuu shahaadda Maajesteerka culuumka Melleteriga uga qaatay jaamacad kutaal wadanka Malaysiya.

Sanaddii 19883 ayuu shahaaddo heer sare ah ka qaatay akaadeemiyada Melleteriga Suudaan isagoo sanaddii 1987 qaatay shahaadada culuumta maamulka iyo Maareynta, ka hor intii uusan Inqilaabka melleteri talada kula wareegin ayuu Al Bashiir ku biiray Tayaarka islaamiga wadanka Suudaan.

Sanaddii 1989-kii ayuu Al Bashiir Inqilaab Melleteri ku riday xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Saadaq Al Mahdi isagoo inqilaabkiisa ugu magac daray “Thowrada Badbaadada”.

Sodonkii sanadood ee Al Bashiir uu talada hayay wuxuu goob joog u noqday illaa 5 dagaal oo isugu jiray kuwa melleteri iyo kuwa siyaasadeed waxaana ugu muhiimsanaa dagaalkii Koonfur Suudaan, dagaalkii Daarfoor, iyo dagaal uu shakhsiyaddiisa ku difaacayay markii maxkamadda ICC ay amartay in lasoo xiro.

Sanaddii 2013 ayuu Al Bashiir ka fakaday dibad baxyo aad uballaaran oo gilgilay wadanka Suudaan waxaana dibad baxyadaas lagu dalbanayay in uu dhaco Nidaamka Al Bashiir.

Sanaddii 20015 ayuu Al Bashiir Gacantiisa ku saxiixay heshiiskii Nifaasha ee ka dhacay wadanka Kenya kaas oo dadka ku dhaqan Koonfurta Suudaan u ogolaanayay in laga qaado Afti xaq usiinaysa in ay isaga go’aan dalweynaha Suudaan intiisa kale.

Sanaddii 2011 Cumar Xasan Al Bashiir ayaa ka qeyb galay munaasabaddii Koonfurta Suudaan uu ku noqonayay dal ka madax banaan Suudaan intiisa kale, wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo taliska ciidanka.

Dabayaaqadii sanaddii 2018 wadanka Suudaan waxaa ka bilaawday Kacdoonno shacbi kadib markii uu sicir barar ku yimid qiimaha lagu iibsado Rootiga iyo shidaalka arrinkaas oo ugu dambeyntii sababay in kacdoon lagu rido Nidaamkii Al Bashiir ee wadanka maamulayay mudada 30-ka sanadood ah.

Al Bashiir malahan wax Awlaad ah si khilaafsan Hoggaamiyaasha Carbeed oo marka geeridoodu soo dhowaato wiilashooda ka dhigta dhaxal sugayaal iyaga bedela.

Ugu dambeyn maanta oo Taariikhdu ku beegantahay 5 Shacbaan 1440 Hijri kuna beegan 11 April,2019 ayaa Inqilaab aan dhiig ku daadan lagu riday Taliskii Al Bashiir sodon sana jirka ahaa.

W/Q Hilaal Colaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: