Home » Wararka » Max’ed Mursal Oo Ku Guulaystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya

Max’ed Mursal Oo Ku Guulaystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya

Waxaa lasoo gaba gabeeyay doorashadii maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka dowladda Federaalka ee lagu dooranayay hoggaanka cusub ee baarlamaanka.

Siyaasi ay wateen Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka taas oo ka dhigan in uu meel maray rabitaankii Villa Somalia.

Max’med Mursal Wasiirkii hore ee G/dhigga DF-ka ee maalmo ka hor iscasilay ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka kadib doorashado adag oo uu lagalay Ibraahim Yaroow Isxaaq.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka ayaa helay 147 cod halka Ninkii kale ee latartamayay uu helay 119 cod, Aadan Madoobe iyo musharixiin kale oo iskusoo taagay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa goor hore isaga haray tartanka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxtooyada iyo Xafiiska R/wasaaraha ay lacago Malaayiin dollar ah ku bixiyeen sidii Mursal uu unoqon lahaa guddoomiyaha Baarlamaanka si ay uga feejignaadaan wax lamid ah hardankii siyaasadeed ee ay kala kulmeen Jawaari guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka ugu dambeyntiina lagu qasbay in uu xilka isaga dago.

Somalimemo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: