Home » Suugaan » “MAXLAL” Waa Maanso Qiimo Badan Oo Dhawaan Uu Curiyey Abwaan Axmed C/laahi Maxamuud (Fartaag)

“MAXLAL” Waa Maanso Qiimo Badan Oo Dhawaan Uu Curiyey Abwaan Axmed C/laahi Maxamuud (Fartaag)

Madfacii la ridaana

Meel uun buu ku dhacaa

 

Miinno ruuxa dhigaana

Mid uun bay la kacdaa

 

Ninka maalka suntaana

Maddanuhuu dab gashaa

 

Maska kii arkayaana

Madaxuu ka dilaaa

 

Marwo aad u hinaastay

Minyaraday didisaa

 

Mushakigii bacays maana

Meeraysiguu budh sitaa

 

Bakhayl uu mid shaxaaday

Ma hayuu badiyaa

 

Marfish kii fadhiyaana

Murran kuu xejiyaa

 

Nin Magaalo ku daalay

Miyiguu u baxaa

 

Meel xun ruuxa ka caagay

Masjidkuu ku ordaa

 

Qofka caashaq muquurtay

Muxibaduu u go.aa

 

Gartu kay ku maroorto

Maah maah buu cuskadaa

 

Masuulkii kii xilka waayay

Musuquu eryadaa

 

Shalay Meeshuu amaanay

Ayuu maanta nacaa

 

Mucaarid aan hadaf haysan

Muxaafidkuu ku milmaa

 

Halka uu malab yaalo

Macaash kuu ku dhagaa

 

Macangagii taliyaana

Muruquu naf bidaa

 

Maamul kii dhacayaana

Maxastuu dil-dilaa

 

Munaafaqii yar baqdaana

Qabiil buu is marshaa

 

Maarreeyii la eryaana

Mukhilad buu dhaliyaa

 

Miskiinkii la dulmaana

Muruguu badsadaa

 

Mansab kii yar helaana

Laaluush kuu ku mamaa

 

Maal,qabeen Afrikaani

Maciishaduu kiciyaa

 

Jaamacadii isu muuqad

Malcaamad wey ka dartaa

 

Shacab aan mid ahayni

Meehanaabe haraadka

 

Mudaharaadka Caruurta

Police kaa madhinaaya

 

Madaxweyne  hurdaana

Mudaduu kordhistaa

 

Golayaasha is maaga

Majare wuu ka lumaa

 

Guurtidaan mar la dooran

Maxlal bay noqotaa

 

Xusbi uu nin maroorshay

Meel xun buu ku hadhaa

 

Maxkamad aan sharci oolin

Maxbuus-kay badisaa

 

Mujaahid aan dhinac raacin

Madashuu hadhsadaa

 

Ninka meel u socdaana

Marin,kuu qabsadaa

 

Maktabaddii la xidhaana

Maqaaxi bay noqotaa

 

Murraayadii ku hortaalna

Muuqa waad ku saxdaa

 

Maqal tuuga xadaaya

marruun baa la qabtaa

 

Mirqaan kii is shidaaya

Maqsin buu la galaa

 

Martdii la qadshaana

Magac xumay ka tagtaa

 

 

Doxa, Qadar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: