Home » Wararka » Millateriga Soomaaliya Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Muqdisho
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2013-12-31 09:42:10Z | | ÿÿÿÿÿþþþÿÿÿÿÿ²°ÿX«þ

Millateriga Soomaaliya Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 3 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, in ka badan Tobban kalena dhaawac ayaa kasoo gaadhey Rasaas Ciidamada dowladda, gaar ahaan Militerigu ku fureen dad Shacab ah gudaha magaalada Muqdisho.

Falkan oo saaka oo Axad ah ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayaa sida ay Goobjooge uu u sheegey Warfidiyeenka Garoowe Online, ciidamadii ka dambeeyay ay isaga baxsadeen goobta.

Qof diiday in magaciisa la adeegsaday ayaa daboolka ka qaaday ciidamada ay kasoo baxeen Xerada Maslaxa, ayna kusoo wajahnaayeen Badhtamaha magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Lama oga sababta ka dambeysay in ciidamada dowladda ay Shacabkaan ku laayeen Xaafadaha Suuqa Xoolaha, balse, inta badan waxaa lagu sheegaa inay tahay mid ay wadooyinka ku furtaan, Rasaasta ay ridaan, xiliyadda ay marayeen goobaha mashquulka ah.

“Walaallow ciidamada dowladda oo kasoo baxay Xerada Maslaxa, ayaa waxay Rasaas ku fureen Dad Rayid oo ku sugan Suuqa Xoolaha, markii ay falkaan geysteena meesha ayay ka baxsadeen,” ayuu yidhi Goobjooagaha.

Mid kamid ah dadka ku dhintay Rasaasta ayaa waxaa uu ahaa Wiil dhalinyaro ah, kaasoo saarnaa Gaari nooca raaxadda ah, sida uu shaaciyay Goobjoogaha GO u waramay.

Saraakiisha amaanka ee degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho, wali wax war ah kama soo saarin falkaan, oo qeyb ka ah dilal joogto ah oo Ciidamada dowladda u geysanayaan shacabka.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa waxay si badheedh ah ay ugu geystaan Muqdisho dilal dad Shacab ah, taasoo madaxda Hay’addaha amaanka ay ku cel-celiyeen inay wax badan ay ka qaban doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: