Home » Aragtida Dadweynaha » Mucjisooyinka Xawayaanka & Tilmaamaha Ilaahay Ku Galaday

Mucjisooyinka Xawayaanka & Tilmaamaha Ilaahay Ku Galaday

Libaaxu waa nooc ka mid ah dugaaga duur joogta ah ee Ilaahay ku galladay inuu yeesho tilmaamo cajiib ah oo dadku ku callaamadsadaan cida ay u arkaan inuu leeyahay tilmaamo ay ka mid yihiin; adkaysi, geesinimo, dulqaad, sharaf iyo aargoosasho.

Siday sheegeen dadka ku xeesha dheer arrimaha xawayaanku Libaaxu wuxuu leeyahay shan boqol oo magac iyo sifo oo dhammaan dadweynaha adduunku ula bexeen.

Waa xawayaan ku caan baxay sharaf iyo haybad u dheer yahay dugaaga kale ee adduunka kula nool.Wuxuu ku caana maalay muuqaal fiicni, geesinimo iyo manaxaannimo,sidaadarteed ayaa hal-ku-dheg loogu soo qaataa arrimaha adadag, tusaale ahaan Asxaabiggii weynaa ee Nebiga NNKHA adeerka u ahaa Xamse waxa lagu naanaysi jirey Libaaxii Ilaahay, iyaga oo uga jeeday inuu ahaa nin adag oo aanay dadku si dhayal ah ugu soo dhiiran karin.

Ninkii cilmi baadhaha ahaa ee la odhan jirey Orosto wuxuu tilmaamay inuu arkay intii u cilmi baadhistiisa ku jiray noocyo kala duwan oo Libaax ah sida libaax wajiga dadka oo kale leh, midabkiisu casaan yahay, dubkiisa dambe u eeg yahay dabada dubqallooca. Sidoo kalena wuxuu sheegay inuu arkay mid u eeg Lo’da oo leh geeso gaagaaban oo dhererkoodu hal taako gaadhayo.

Dadka aadka ugu dhaba gala xawayaanku waxay tilmaamaan inuu Libaaxu yahay ka ugu adkaysiga badan dhinaca gaajada iyo haraadka marka la barbar dhigo dugaaga duur joogta ah, wuxuu ku caan baxay calaamado cajiib ah oo ay ka mid yihiin:

  • Ma cuno ugaadh cid kale soo qabsatay.
  • Dib ugama soo noqdo hanbada amma raqda uu ka tegey.
  • Haday gaajadu ku badato dabeecadiisu way xumaataa.
  • Haddii u dhergana nabagelyadiisa ayaa badata.
  • Sidoo kalena afkiisa ma saaro biyo Ey dharqaday amma cabay.
  • Haddii u wax cunayo si raganimo leh ayuu u goostaa isaga oo aan calalina wuu liqaa.
  • Waxaku yar afkiisa candhuufta sidaa darteed ayuu naqaskiisu aad u uraa.
  • Waa xawayaan geesi ah haddana waa fulay, fulaynimadiisa waxaka mid ah wuxuu ka baxsadaa cida diigga , dhawaqa tashtiga dhara lagu maydho amma wixii la sanqadh ah, wuxuu ku jahawareeraa haddii u oog dab ah ku soo dhowaado.
  • Iskuma dhibo inuu saaxiibo ka samaysto dugaaga kale waayo wuxuu u arkaa inaanu la mid ahayn.

Sheekhii weynaa ee Imaamu Bukhaari ayaa wuxuu ka wariyey nin la odhan jirey Muxamed Binu Alminkadir inuu yidhi; “Waxaan raacay doon, markay muddo nala socotay ayey buburtay doontii dababadeed waxaan qabsaday loox i gaadhsiiyey badda xeeligeeda, waxaan kula kulmay Libaax nooca aadka u waaweyn ah markii aan isha ku dhuftay ayaan isku sheegay oo aan ku idhi waxaan ahay raggii Nebiga NNKHA u shaqaynayey oo bada ku asqoobay dabadeed wuu i hor dhaqaaqay oo wuxuu ila maray dhinicii wadadu iga xigtay markii aaan wadadii helayna wuu ciyey si uu iigu sheego in aan aamin ahay”.

Sidoo kale Nebigu NNKHA wuxuu ku habaaray ninkii la odhan jirey Cutba Ibnu Xaaris inuu ku salido Ey ka mid ah Eyda Ilaahay dhulka ku abuuray dabadeed Libaax ayaa ku cunay meesha lagu magacaabo Zerqaa oo ka tirsan dhulka Urdun.

Nebigu NNKHA wuxuu Asxaabtiisa u sheegay inuu Libaaxu yidhaahdo markuu ciyayo; “Ilahoow ha igu salidin dadka wanaag wadayaasha ah”.

Dadku waxay Libaaxa ka sameeyeen maahmaaho badan oo dhammaantood tilmaamaya awooda iyo cududa Libaaxu leeyahay, inaga oo tusaale u soo qaadan doona maahmaaho Afsoomaali ah bal marka hore aan ku horumarno maahmaahyada Nebigu ku tilmaamay libaaxa, sida u soo wariyey asxaabigii weynaa ee Cabdilaahi Binu Cumar Binu Caas RC wuxuu yidhi waxaan Nebiga NNKHA ka xifdiyey kun maahmaahood oo ay ka mid ahaayeen… maahmaaho tilmaamaya Libaaxa oo haddii Afsoomaali lagu turjumo micnohooda noqonayo; “…….ka Sharaf badan Libaaxa….” ……”Ka dhiiran Libaaxa” oo ay Carabtu u adeegsan jireen qofka ay amaantiisa ku dheeraanayaan amma ay la dhacsan yihiin sidduu wax u qabtay, sidaa darteed ayey soomaaliduna leedahay maahmaaho kuwaas la mid ah oo ay kaga waramaan Libaaxa, waxaana ka mid ah maahmaahyadan hoos ku qoran oo aan ka soo qaatay qaar ka mid baraha Internetka ee suugaanta soomaalida lagu kaydiyo waxaana ka mid ah:

  • Libaax aan dhiig dhadhaminini habeen ma ciyo
  • Libaax deeqi ka gurxamisay
  • Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno.
  • Libaax laba god lagama kiciyo.
  • Libaax nin aan aqoon baa lax ka rida.
  • Libaax nin ganay iyo nin galadayba og.

Sheeko xariireedka Soomaalida waxa ka buuxa dhacdooyin ay kaga waramaan Libaaxa oo marka fariintooda la soo xooriyo noqoya inuu Libaaxu ku sifaysan yahay waxyaabahan aynu ka soo waranay.Haddii aynu tusaale soo qaadano waxa caruurta looga sheekayn jirey in Libaaxu cidda u ka cadhoodo amma ka cadhaysiisa aanu iloobin amma aanu ka tegin ilaa u ka aar goosto.

 

C/laahi Beershiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: