Home » Wararka » MUQDISHO: Askari Dilay Dirawal Bixin Waayey 3 Kun Oo Shilin [Dhacdadii Maanta]

MUQDISHO: Askari Dilay Dirawal Bixin Waayey 3 Kun Oo Shilin [Dhacdadii Maanta]

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Darawal ka mid ah dirwallada gaadiidka dadweynaha lagu dilay Suuqa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Busteejada/Istaanka Gaadiidka laga raro.

Darawalka ayaa waxaa dilay mid ka mid ah Askarta Busteejada ku sugan ee gaadiidka lacagaha ka qaada, waxaana Goob-joogayaal ay sheegeen in loo dilay Saddex Kun oo Shillin Somali ah oo uu diidey in uu dhiibo.

Dad ku sugnaa Goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in askariga iyo Darawalka ka hor dilka, ay wada murmeen, isla markaana Darawalku uu ka biyo diiday bixinta lacagtaas, sidaasina dilku uu ku yimid.

Meydka Darawalka ayaa waxaa la geeyey Saldhiga Booliska degmada Kaaraan, waxaana Wararka aan helnay ay sheegayaan in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsadey.
Boqolaal Shacab ah oo ka gadooday dhacdadan ayaa goordhowd Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka bilaabay Banaanbax ballaadhan.

Sawir Hore

Isha: Radio Dalsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: