Home » Wararka » MUQDISHO: Wasiir-Ku-Xigeenkii Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha Oo Lagu Dilay Weerarada Maanta

MUQDISHO: Wasiir-Ku-Xigeenkii Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha Oo Lagu Dilay Weerarada Maanta

Weerarkii Maanta lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii lagu laayay Mas’uul ka tirsanaa Wasaaraddaasi.

Wasiir-ku-kuxigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Saqar Ibraahim Cabdala, ayaa lagu dilay weerarkan sida la xaqiijiyey.

Sidoo kale waxaa weerarka khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac weli aan tirakoobkooda la shaacin uu gaadhay ciidamada iyo xubno ka tirsan dawladda oo weli aan magacyadooda la shaacin.

Dhinaca kale qarax ka dhacay isgoyska Ex.Control Afgooye ayaa lagu dhaawacay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabelle.

Ilo-wareedyo uu warfidiyeenku helay ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari oo ilaala u ahaa xildhibaanka ay ku dhinteen qaraxan ka dhacay Ex.Control Afgooye.

Xasan Cali Kheyre oo ah R/wasaaraha DF-ka oo ka hadlay weerarkii maanta ayaa sheegay in uu ka xunyahay mas’uuliyiinta lagu dilay.

Guddoonka waxa loogu yeedho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyidda weerarkan lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda federaalka Soomaaliya.

La Soco Wixii Warar Ah Ee Kasoo Kordha Weeraradan Ka Socda Muqdisho….

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: