Home » Wararka » Qalbi-dhagax Oo Ku Wajahan Kenya Kadib Markii Itoobiya Sii Daysay + SAWIRRO

Qalbi-dhagax Oo Ku Wajahan Kenya Kadib Markii Itoobiya Sii Daysay + SAWIRRO

Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga kasii daysay mid kamida saraakiisha ugu sarraysa Ururka ONLF ee ka dagaallama dhulka Soomaaligalbeed oo gummeysi kujira.

ilo-wareedyo ayaa sheegaya in R/wasaaraha Itoobiya uu amar ku bixiyay in lasii daayo Qalbi dhagax oo bishii Agoosto sanaddii 2017 xukuumadda Farmaajo ay ka iibsatay dowladda Itoobiya.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Qalbidhagax oo isagoo dhoolla caddeynaya ku sugan baar laga cunteeyo kaasi oo lagu magacaabo Abasaaniya.

Qalbi dhagax oo lahadlay idaacad kutaal magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dhowaan usafri doono magaalada Nairobi ee wadanka Kenya halkaas oo uu ka helay magangelyo siyaasadeed.

Tallaabadii ay Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo ugu dhiibeen dowladda Itoobiya sanaddii 2017 ayaa shacabka Soomaaliyeed umuujisay heerka ay gaarsiisantahay dabadhilifnimada DF-ka oo cadowga kula saaxiibtay dadka iyo dalka.

Xigasho: Somalimemo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: