Home » Wararka » Qarax Saraakiil Ka Tirsan Dowladda Lagu Dilay Oo ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Qarax Saraakiil Ka Tirsan Dowladda Lagu Dilay Oo ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Khasaare laxaad leh ayaa ka dhashay Qarax Culus oo barqadii maanta ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo siday wararku sheegayaan ka  dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa la kacday gaadhi Rooneed ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo ay ku dhinteen dhammaan dadkii la socday gaadhiga la beegsaday.

“Lix Ka mid ah Mas’uuliyiinta dowladda Hoose ee Kooxda Ridada ayaa ku dhintay qarax ay Mujaahidiintu kula beegsadeen deggaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho” ayaa lagu yidhi war ka kasoo baxay Al Shabaab, war-fidiyeenkooduna faafiyey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in burbur xooggan uu gaadhay gaadhiga qaraxu haleelay, illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka Garasbaaleey oo ku aaddan qaraxa saraakiisha lagaga dilay ee ka dhacay duleedka Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: