Home » Suugaan » Qushi-socod (Gabay): Cabdi Iidaan Faarax (Hanqadh).

Qushi-socod (Gabay): Cabdi Iidaan Faarax (Hanqadh).

Abwaan Cabdi Iidaan waxa uu Gabaygan ugu caqli celinayay saaxiibkii Dhoodaan, oo wakhtigaas mucaarid ku ahaa dawladdii Soomaaliya; waxa aanu si talo, toosin, tilmaan, iyo waanaba huwan ugu sheegayaa in xornimadu tahay shay qaaliya oo qiimihiisu weyn yahay, qabyaaladduna tahay wax xun oo meelna kuu wadayn. Waxa uu xusayaa Xabashidu in aanay wali ilaawin godobtii ay Soomaalida u hayeen, iyaga oo kana mid ah gumeystayaashii geyiga qaybsadey, talana aanay ahayn in xaggooda laga soo jeestaa. Wuxuu yidhi:
Qushisocod (Gabay): Cabdi Iidaan Faarax (Hanqadh).
★★★★★★★
Ma qastiyin baryahan maansadii, Ina Qaliifoowe,
Qaaqaabintiisiyo murtida, kuma qalweynayne,
An qiyaaso maantana halkaan, uga qormeynaayo.
Adduunyada qaskeed iyo halkii, qoonku ka abuurmey
Qarniyada ka badan dhowrka boqol, saan warka u qaatey
Qawlaysatadu weerarkay, Yurub ka soo qaaddey
Shirkii nalagu qaybsaday markii, nala qisaasaayey
Taariikhda saantiyo ku qoran , qalin dawaadeedka
Inkastoo sutida loo qabtoo, qaar la mari waayey
Qiyaamooyinkiii nalala helay, ee qotoda dheer le
Intaa godobta nagu qaadhsaneyd, qodaxda hiirtaanyo
Waa waxa hadeer lala qumbacan, qabarka muuqdaaye
Qarka lagama dhayo doog hadduu, qaaban hoos yahaye
Haddaan mililka qaaxada ku jira, qoonta laga baanan
Oo meel sokuun laga qabsado, waa qoyaan li’iye
Iyagoo sokeeyaha la qaley, qurub ka doonaaya
Qoolaaligiibey axmaar, qurub u tuureene.

Baryo waxay qubnaataba markii, lays qadarin waayey
Axmed Guray jihaadkuu qabsaday, qulabaduu laayey
Qasaarihii la baday waa waxay, qaydhinka u cuniye
Isagoo dhulkii uu qabsaday, qaydka marinaaya
Wuxuu boqorku qaylada u diray, qaar u hiil galaye
Halkaasey hubkii loo quturey, kaga qamaadeene.

Kolkayse qiiroqiiraha gashaba, qoom jinaw baxa’e
Qalalaasihii xigey kolkii, qabaxdu waynaatey
Sayid Maxamed qoolkuu la kacay, ama hubkuu qaatey
Waa kii gumeysiga qudh jarey, qaarna gawracaye
Hayeeshee dantii uma qabsamin, loo qalqaal tagaye
Qacdii kalana waakii Bashiir , qiiradaw kacaye.

Qalalaasihii xigey markii, qabaxdu weynaatey
Waatii qormada yaa lahaa, laysku qaanabaye
Qunyar lagama guureen haddey, daru qamaadaane
Kolkii madax banaanida la qorey, qaata calankiina
Iyadoo aan shuruud loo qabtiyo, qodobbo loo yeelin
Waxa dawlad qudha looga dhigey, qaarki kale doone
Iimaanku nimuu qoomanyoo, qaraxa mooyaane
Xiddigtaa halkiii lagu qayaxay, qurux tilmaamaysa
Waataa shanteenii qoloba, qun uga muuqdaane
Kolkii tala galkii soo qaldamey, lagu qamaamaayey
Quruuruxa ka badan geesiyada, Qayre loo dilaye’e.

Waakaa Jabuutina qotoma, qaran gobeeyiiye
Qajaajihiyo dhaxantii docdaa, nagu qayoodeysey
Iyo xagashayadii qaawaneyd, waa qareen kabaye
Qolqolkiyo misciririi dugsiye,nagu qalaalaaye
Iyagana xumaan uma qabnee, weys qadarinaaye
Qalbigiyo calooshaan kalgacal, uga qushuucnaaye
Haddaan meelo badano qatara, halista qooraansho
Guuleedba fooqyada qalwa’a, kuma qadeeyeene
Qarda waxa ku xiga aayatiin, lagu qaboobaaye.

Afartaa qiyaastaan u idhi, maysku qabadsiiyey.

Qalalaasihii xigey haddey, qabaxdu waynaatey
Cidkastoo quruuruxa ka badan, faro qiyaasteeda
Qalbi adag nin lihi waw dhigmaa, qoom kastoo badane
Kunkoodii qushaashaba kolkan, boqol ku qayraanshey
Dhallinyaro jihaadkaw qodiyo, madax qaroomeysa
Qalbi tahara Qalaafiyo Wardheer, Qadaw ragii yaaley
Qaarida Hunbaa loo dhiciyo, qaalidiyo Faafan
Qalqalaha Wajaaliyo Jigjiga, Adari qoorteeda
Ka qar gooste Haramaanyo iyo, qawlkii Baabuliye,
Sidii koromo Qoodhkii eryo, Qodaxda jiidheysa
Ama Goroyo lagu qayliyoo, qayso dhabanaysa
Kolkii qalablahoodii firdhaday, qololka maaxaayey
Ee maydadkoodii qalaley, qoobka lagu jiidhey
Ee geesi hiirtaanyo qaba, loo quturi waayey
Ee saanadii laga qabsaday, qalabkii loo dhiibey
Quruumaha hortii faaladay, qudhuga sheegeene
Waakaa wargeysyada ku qoran, qaabkii loo galaye
Quwad naga itaal badan, haduu qarad lihii keenay
Isagana mid qaradiisa leeg, Qaadir haw dira’e
Haku qaraxdo reer Naato iyo, qalabka Shiinuhuye.

Walise godobti kama quusan iyo qaandi raadsiga’e
Sidii bey qolkii ugu jiraan, qaar hubeysaniye
Qaxoontiga nafluhu gubey, haduu nabar ku qayraansho
Ama tanagyadaa uu ku qubo, qooriyada xeebta
Qofba meel u joogaba, arligu nooma qaybsana’e.

Anoon hadalka wada qaawineyn, quruxda haasaawe
Haddaan hadaladaadii qaldamey, qaar ka mida sheego
Cabdillaahi maansada qafilan, qabar hagoogeeda
Ee aniga ii wada qayaxan qulul u jeedkeeda
Dhabihii gumeysigu qoriyo, qararki uu jeexay
Shirkii nalagu qawlaley markii, nala qisaasaayey
Qarkaa waxa ka xiga Xabashibaad , qaata leedahaye
Adigiyo intii kula qabtaa qaraf, ma goysaane
Wax la qubey wax laga quustayoon, cidiba soo qaadin
Qabiil iyo horaa looga, marey qoliyo reer reere
Qabraa lagu ridoo waad ogeyd, iilki loo qodaye
Sidii dhidar xabaalaha ad qodi, quufle ka horreeyey
Qastigaad u leedahay hiyigu, qoodhka ka iftiinye
Hadayse qodobbadii kaa baxdiyo, qudhunkii Ciidaale
Kol haddaad gunnimo qaayibtood, quus ka tahay xaajo
Haddaad qolada Xayliyo Maryama, qiratey reerkooda
Oo inad Axmaar qayb ka tahay, qaalinimo mooddey
Adigiyo intii kula qabtaa, qaraf ma goysaane.

Qiimaha xornimo leedihiyo, qaalibkiyo guusha
Haddaan qado nin gobabaanihiyo, quud haddaan cuna’e
Qushi socodka laafyaha xarago, qaadasha koodhka
Qosolkaan u sheekaynayiyo, qalo la’aanteyda
Haddaad adigu qiimee tidhaa, qoodhyo xeradaa
Bal maxaw qalmaad odhan lahayd, qaalinimadeeda.

——————-
Xigasho: Ismaaciil Jiheeye .
Mareegta Weedhsan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: