Home » Wararka » Ra’iisul-wasaaraha Yahuudda Oo Isbitaal Loola Cararay.

Ra’iisul-wasaaraha Yahuudda Oo Isbitaal Loola Cararay.

Bin Yamin Natanyahu oo ah ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin ayaa si lama filaan ah waxaa loola cararay isbitaal, kadib markii xaalad caafimaad darro ay soo wajahday.
Natanyahu ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa loola cararay isbitaalka Hadaasa ee ku yaala xaafadda Caynu-Karam ee Qudusta galbeed, ee ku jirta gumeysiga Yahuudda xagjirka ah.
Saraakiil katirsan xafiiska Bin Yamin Natanyahu ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ra’iisul wasaaraha loola cararay isbitaalka, kadib markii heer kulka jirkiisa uu aad u kordhey.
Qandho aad u daran oo aan la ogeyn waxa tahay ayaa laga soo sheegayaa iney ku habsatay Bin Yamin Natanyahu, waxaana weli uu ku suganyahay isbitaalka.

Radio AlFurqaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: