Home » Wararka » RW Itoobiya Oo Amray In Ciidamo La Geeyo Deggaannada Ay Ku Dagaalamayaan Somalida & Oromada

RW Itoobiya Oo Amray In Ciidamo La Geeyo Deggaannada Ay Ku Dagaalamayaan Somalida & Oromada

Ra’iisul Wasaaraha Dalka itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa uu amar ku bixiyey in Ciidamo la kala dhex-dhigo Dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada ee ka socda dalkaas.

Hadalka Rai’sul wasaaraha ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay maalmihii ugu dambeeyay ay sii xoogaysteen xiisadaha u dhaxeeya Soomaalida iyo Oramada.

“waxaan amray in ciidammada milateriga iyo boliiska federaalku ay tagaan deegaannada ay ku dagaallamayaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee waddankaas, si dagaalka dadka badan ku dhinteyn loo joojiyo…” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Todobnaadyadii la soo dhaafay waxaa socday dagaallo u dhexeeya Qowmiyada Oromada iyo soomaalida, dagaaladaas oo galaaftay nolosho dad badan. Sidoo kalena dagaalladaasi ayaa sababay barakaca kumaankun kale oo isugu jira Soomaali iyo Oromo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: