Home » Wararka » Saraakiil & Askar Maraykanku Tababaray Oo Lagu Laayay Qarax Ka Dhacay Sh/Hoose.

Saraakiil & Askar Maraykanku Tababaray Oo Lagu Laayay Qarax Ka Dhacay Sh/Hoose.

Qarax aad u culus ayay wararku sheegayaan in lala eegtay gaadhi ay saarnaayeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa sida dhow ula shaqeeya Maraykanka.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa dhaliyay khasaare farabadan oo gaadhay ciidamada Maraykanku tababaray ee soomaalida ah, waxaana siday wararku tibaaxayaan dadka dhintay ku jira sarkaal sare oo ciidamadaas hogaaminayay.

Maxamed Cabdi Siciid oo lagu sheegay inuu ahaa taliye ciidan oo katirsan ciidamada Pankarafta iyo 11 askari oo kale ayaa ku qudh-baxay qaraxan. Halka dhaawacna uu jiro walow aan tira-koobkiisa la sheegin.

Falkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo uu ku yaallo saldhiga Ballidoogle oo fadhiisin u ah ciidamada Maraykanka.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lagu laayay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Maraykanku uu tababaray.

Khasaare baaxad leh ayaa marar badan wadada xidhiidhisa Wallaweyn iyo Muqdisho lagu gaadhsiiyey ciidamadan Soomaalida ee Maraykanku uu tababaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: