Home » Wararka » Sarkaal Hub, Gaadhi & Lacag Adag Kala Baxsaday Madaxtooyada Puntland

Sarkaal Hub, Gaadhi & Lacag Adag Kala Baxsaday Madaxtooyada Puntland

Sarkaal ka tirsanaa Madaxtooyada maamulka Puntland ayay wararku sheegayaan inuu la baxsaday Hub, Gaadiid iyo Lacag aad u fara badan.

Xogtan ayaa waxa ay sheegeysaa in Sarkaalkan uu ka mid ahaa ilaalada Madaxtooyada maamulka Puntland, waxa uuna Hubka, Gaariga iyo Lacagta la goostay 22-kii bishan July.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdifataax Yamani ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa Taliyihii Ciidamada rugta laanta socotada Madaxtooyada Puntland, waxa uuna aad ugu dhawaa Hogaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Waxa ay xogtu intaa kusii dareysaa in Sarkaalkan uu qaatay gaari noociisa uu ahaa Land Cruiser, hub gaaraya ilaa 6 qori iyo 5 Bastooladood oo ay u dheertahay lacag xoogan.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ka iibiyay Ganacsato kasoo jeeda degaanka Bali Busle waxa ayna xogtu tilmaameysaa inuu ku iibsaday 40 Kun oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Sidoo kale, waxaa la la’yahay Taliyaha baxsaday, Hubka iyo Lacagta, halka Gaariga oo laga soo qaaday Ganacsadaha dib loogu celshay Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

Geesta kale, Gaarigan lala baxsaday ayaa  lagu soo dhaweyn jiray martida u timaada madaxda Puntland, wuxuuna ka mid ahaa ku dhawaad 60 gaari oo Imaaraadka Carabta uu horey ugu deeqay mamulka Puntland.

Isha: Caasimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: