Home » Wararka » SAWIRRO: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo R/Wasaarahooda Kusoo Dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

SAWIRRO: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo R/Wasaarahooda Kusoo Dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Kadib Maalmo kadeed daran lagu hayay shacabka kunool magaalada Muqdisho waddooyinkiina laga xiray ayuu ugu dambeyn R/wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kumamanaan askari oo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa lagu daadiyay wadada makka Al Mukarrama si ay u sugaan ammaanka Abeey Axmed R/wasaaraha Itoobiya.

Ciidamada waddooyinka lagu daadiyay waxaa kamid ah Itoobiyaan qeyb ka ah shisheeyaha magaca AMISOM ku jooga Soomaaliya.

Wafdiga uu hoggaaminayo R/wasaaraha Itoobiya ayaa loo gelbiyay dhanka xarunta Madaxtooyada halkaas oo uu kulamo kula leeyahay Madaxda ugu sarraysa DF-ka sida Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.

Abeey Axmed Markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa isku gedaamay ciidamo Itoobiyaan ah oo salaan sharaf iyo music-ga calanka Itoobiya utumay.

Ciidamada Itoobiyaanka ee gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay R/wasaarahooda ayaa kor ululayay calanka Itoobiya, arrinkaas oo khilaafsan qaranimada ay sheegato dowladda Farmaajo oo sida muuqata dabadhilif u ah gummeysiga Itoobiya.

Maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban DF-ka ayaa isna amray in calanka Itoobiya lagu xardho wadada makka Al Mukarrama si loogu raali geliyo Abeey Axmed.Xigasho: Somalimemo

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: