Home » Wararka » SAWIRRO: Daalibaan Oo Ku Dhawaaqday Howl-galka Guga Afghanistan Ee Ka Dhanka Ah Ciidamada NATO.

SAWIRRO: Daalibaan Oo Ku Dhawaaqday Howl-galka Guga Afghanistan Ee Ka Dhanka Ah Ciidamada NATO.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay imaarada islaamiga Afghanistan ayaa lagu iclaamiyay Howlgallada xilliga Guga ee sanad walba ka qabsooma guud ahaan gobollada wadankaasi.

Hoggaanka Imaarada Islaamiga ah ayaa sanadkan howlgalka cusub ee xilliga Guga ugu magac daray Alftaxi waana howlgallo beegsan doona dhammaan ciidamada Jinsiyadaha kala duwan leh ee Afghanistan ku duulay iyo kuwa xukuumadda dabadhilifka ah.

Bayaanka kasoo baxay Taliban ayaa amar lagu siiyay ciidamada ‘Mujaahidiinta’ in ay beegsadaan dhammaan saldhigyada ciidamada xukuumadda iyo kuwa Ururka NATO ayna muslimiinta ka dulqaadaan dulliga, mas’uuliyiinta Imaarada ayaa ugu baaqay ciidamada in ay ilaaliyaan shacabka ayna ka fogaadaan wax walba oo shacabka waxyeello ugeysan kara.

Inta howlgalladan ay socdaan ayaa lafilayaa in degmooyin iyo deegaanno hor leh laga xureeyo cadowga islamarkaana ku dhaqanka shareecada islaamka lagusoo dabaalo.

Durbadiiba xoogaga Taliban waxay bilaabeen howlgallo naf hurnimo oo lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada xukuumadda ku leeyihiin wadanka, kumanaan dagaalyahanno jihaadi ah oo tababaro loosoo xiray ayaa daah furay Howlgalka Alfatxi ee imaaradu shalay iclaamisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: