Home » Wararka » SAWIRRO: Hub Ku Cusub Suuqyada Muqdisho Oo Aad Loo Iibsanayo [XOG]

SAWIRRO: Hub Ku Cusub Suuqyada Muqdisho Oo Aad Loo Iibsanayo [XOG]

Inta badan suuqyada magaalada Muqdisho ee Hubka lagu iibiyo ayaa waxaa lagu arkayaa Hubka noocyada fudud oo la kala iibsanaayo.

Suuqyada Cir-toogte, Soobe iyo suuqa yar ee ku yaala dhabarka danbe ee dhismihii hore Wasaarada Amniga ayaa lagu arkayaa bastoolado ay ku jiraan sanaadiiq yaryar oo la kala iibsanaayo.

Dadka ugu badan ee Hubka iibsanaaya iyo kuwa laga iibinaayo aya isugu jira Askar, Dhalinyaro u shaqeysa dowlada iyo Ganacsato, waxaana lasoo warinayaa in Hubkaani ay yihiin kuwo ku cusub suuqyada magaalada Muqdisho.

Suuqyada lagu iibiyo Hubka oo ku furan sifo sharci darro ayaa halis ku ah amniga iyo xasiloonida magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in xitaa maleeshiyaadka A-Shabaab ay halkaa ka iibsadan hubka ay ku fuliyaan dilalka iyo Bam gacmeedyada.

Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaan ka warqabin halka uu ka imaaday Hubka lagu kala gadanaayo suuqyada Muqdisho iyo qorshooyinka laga leeyahay iibsashada Hubkaas.

QAAR KAMID AH SAWIRADA LAGA SOO QAADAY HUBKA KU CUSUB MUQDISHO Isha: Caasimadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: