Home » Wararka » SAWIRRO: Kenya Oo Qiratay In 7 Askari Laga Dilay Qaraxii Shalay Ee Duleedka Dhoobleey.

SAWIRRO: Kenya Oo Qiratay In 7 Askari Laga Dilay Qaraxii Shalay Ee Duleedka Dhoobleey.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamo Kenyaan ah lagu laayay oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaan kaabiga ku haya xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 7 askari looga dilay qarax aad u xooggan oo ka dhacay meel ku dhow deegaanka Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Warbaahinta Kenya oo soo xiganaysa saraakiil dowladda katirsan ayaa sheegtay in qaraxu uu burburiyay gaari nuuca ciidanka Xambaara ah, sawirro ay faafisay warbaahinta Kenya ayaa muujinayay gaariga labeegsaday oo gebi ahaantiisba burburay.

Xarakada Al Shabaab ayaa dhankeeda xaqiijisay in 15 askari oo gaariga la socday ay dhammaantood dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa, goob joogayaal ku sugan duleedka Dhoobleey ayaa iyana xaqiijiyay in ay maqleen jugta qarax aad uxooggan.

Gaariga labeegsaday ayaa ka yimid deegaanka Libooye Kenya wuxuuna kusii jeeday saldhig Melleteriga Kenya (KDF) ay ku leeyihiin banaanka degmada Dhoobleey ee xuduud beenaadka saaran.

Xigasho: Somalimemo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: