Home » Wararka » SAWIRRO: Magaalada Barakaysan Ee Madiina Oo Qaabishay Xujeydii Gugan Ugu Horeysay.

SAWIRRO: Magaalada Barakaysan Ee Madiina Oo Qaabishay Xujeydii Gugan Ugu Horeysay.

Shalay oo sabti ahayd Bishuna ku beegnayd 1 Dulqacda 1439 Waafaqsana 14 July 2018 ayaa madaarka Maxamed Binu Cabdicasiis qaabilay kooxo Martida Alle una tagay dhulka barakaysan gudashada Rukniga shanaad ee Islaamka oo ah Xajka.

Xujaydan ayaa ka timi wadanka Bangaladheesh waxayna tiradoodu dhamayd 419 Xaaji. Maamulaha Cashuuraha ee Madaarka Mishcal Binu Xasan Alsubaydi ayaa cabiray sida ay ugu faraxsan yihiin qaabilaada mawjadaha martida Alle Ee u yimi gudashada Xajka.

Maamulaha ayaa sidoo kale sheegay in hal ku dhagoodu yahay “Idina Ajarka Xajka ayaa leedihiin anana waxaa noo sharaf ah in aanu idiin khidmayno” Masuulkan ayaa carabaabay in ay u diyaar garoobeen qaabilaada Xujayda ayna kordhiyeen hawlwadeenada si ay u fududeeyaan uguna dhakhsadaan hawl-socod siinta Duyuufu Raxmaanku si fudid oo sahal ahna u gudbaan. Waxaanu Madaarku uu saacadiiba qaabilayaa 3,800 Xaaji.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: