Home » Wararka » SAWIRRO: Maxkamada Ciidamada Jubbaland Oo Maanta Fulisay Xukun Dil Ah.

SAWIRRO: Maxkamada Ciidamada Jubbaland Oo Maanta Fulisay Xukun Dil Ah.

Maxkamada Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland oo horay dil u geystay.

Askariga dilka toogashada ah lagu fuliyey ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Ilyaas Jiiroow,waxaana uu shalay Xaafada Calaley ee Magalada Kisamayo uu ku dilay Askari kale oo lagu Magacaabi jirey Cabdi Naasir Abshir iidle, ka dib markii muran isku bedelay gacan-ka-hadal uu dhex-maray.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Jubbaland Mowliid Yaasiin Axmed ayaa sheegay in Askarigan lagu fuliyey dilka kadib markii ay cadaatay in uu si badheedh ah ugu kacay falkaasi dilka ah.

Jubbaland ayaa wax ay horey xukunno isugu jira dil iyo xukuno kale ku riday askar ka tirsan ciidamadooda, kuwaas oo geystay falal ay ka mid yihiin dil iyo dhac intaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: