Home » Wararka » SAWIRRO: Muuqaawamada Falasdiin Oo Duqeeyay Deggaanno Yahuudu Ka Haysato Daanta Galbeed.

SAWIRRO: Muuqaawamada Falasdiin Oo Duqeeyay Deggaanno Yahuudu Ka Haysato Daanta Galbeed.

Wararka ka imaanaya dhulalka Yahuuddu gumeysato ayaa sheegaya in xoogagga muqaawamada ay weerar loo adeegsaday sawaariikh casri ah ku qaadeen deegaanno Yahuudu maamusho.

Warbaahinta cadowga ayaa sheegtay in ugu yaraan 7 qof Yahuud ah oo 3 kamid ah ay carruur yihiin si xun ugu dhaawacmeen degmo dhanka waqooyi uga beegan magaalada Tal’abiib.

Sawaariikhda ayaa ku dhacday guri ay dadka Yahuudda ah deganaayeen, waxaa la sheegay in burbur xooggan uu gaaray guriga waxaana sidoo kale la arkayay dad badan Yahuud ah oo usii cararaya dhanka godadka dhulka hoostiisa qodan si ay uga gabaadsadaan sawaariikhda muqaawamada.

Xoogagga Cizudiin Alqasaam oo ah garabka melleteri ee Xarakada Xamaas ayaa sheegtay mas’uuliyadda duqeymihii ugu dambeeyay kadib qoraallo ay ku faafiyeen baraha Internetka.

Cizudiin Qasaam ayaa duqeyntan u adeegsatay saaruukh lagu magacaabo J80 oo 80Km si toos ah wax uga dili kara.

Dhinaca kale ciidamada Yahuudda ayaa ku dhowaaday magaalada Gaza iyagoona galabta illaa iyo caawa geysanayay duqeymo dad shacab ah wax ku noqdeen, afhayeen u hadlay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Burburka ay sawaariikhda Muqaawamada ugeysatada Yahuudda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: