Home » Wararka » SAWIRRO: Qarax Ka dhacay Libooya Oo lagu Laayay Ciidamo Kenyaati Ah

SAWIRRO: Qarax Ka dhacay Libooya Oo lagu Laayay Ciidamo Kenyaati Ah

Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa haleelay gaadhi nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda Kenya.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaadhi nooca xamuulka ah oo ay wateen ciidamo Kenyaati ah oo ka badan 20 Askari, waxaana dhamaantooda ay ku baaba’een qaraxaas.

Gebi ahaanba Gaadhiga la qarxiyay ayaa gubtay, waxaana wararku ay xaqiijinayaan in dhamaan ciidamadii saarnaa gaadhiga ay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmey.

Ugu yaraan 25 Askari Kenyaati ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxan.

Warbaahinta Kenya ayaa qiraya in qaraxan dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen 10 Askari, balse xaqiiqda tirada intaas way ka badantahay.
Sawirro la baahiyay waxay muujinayaan burbur xoog leh oo gaadhay gaadhiga uu qaraxu haleelay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: