Home » Aragtida Dadweynaha » SAWIRRO: Xarunta Dhaqanka Hargeysa Oo Khaniisyada Caalamku Ay Kusoo Hirtaan!!

SAWIRRO: Xarunta Dhaqanka Hargeysa Oo Khaniisyada Caalamku Ay Kusoo Hirtaan!!

Magaceedu waa xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Sannad walba badhtamihiisa waxay abaabushaa oo ay qabataa carwada buuggaagta ee Hargeysa, taasi oo la sheego inay tahay carwo lagu horumarinayo buuggaagta afka soomaaliga qoran hase ahaatee buugta lagu soo bandhigaa waxay u badan yihiin kuwo lagu qoray afaf qalaad isla markaana xambaarsan fikrado qalaad.

Carwada waxaa lagu soo marti qaadaa dad badan oo ajaanib ah kuwaasi oo intooda badan ah safiirro iyo madaxda ururro caalami ah sida midowga Yurub (EU).

Dadka lagu soo martiqaaday carwadan waxaa kamid ahaa dad caan ku ah u ololaynta guurka dadka isku jinsiga ah, waxaana la wada xasuustaa dhacdadii 2015kii ee haweenaydii madaxda ka ahayd ururka WOW ee u ololeeyay arrimaha liwaadka.

Carwada waxaa kale oo sannad walba lagu soo martiqaadaa mid kamid ah wadamada Afrika oo aan soomaalidaba la dhaqan iyo diin ahayn.

Xarunta inta badan waxaa lagu qabtaa bandhigyo kuwaasi oo aan intooda badan ujeedadooda la caddayn.
Waxaa maalgaliya xaruntan iyo bandhigga carwadaba hay’ado ajaanib ah oo laga leeyahay waddamada reer galbeedka (Hadda xasuuso xaruntu waa tii dhaqanka soomaalida huwanayd ee Hargeysa.

Tolow hay’adaha reer galbeedku waa maxay danta ugu jirta dhaqankeenna se goormaan isku dhaqan noqonnay?.

Haddaba, ma is waydiisay su’aalahan?

Waa maxay sababta xaruntan ay u daneenayaan hay’adaha shisheeye?

Waa maxay sabbata ay marti ugu noqdaan madaxda iyo safiirrada wadamada reer galbeedku iyadoo ay jiraan waxyaabo ka waawayn oo Somaliland ka dhaca?

Waa maxay sababta sannad walba loogu soo marti qaado dad ka yimid waddamo aynaan isku dhaqan ahayn?

Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: