Home » Wararka » SAWIRRO: Xoogaga Mujaahidiinta Darna Oo Gaadiid Dagaal Ka Qabsaday Maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar.

SAWIRRO: Xoogaga Mujaahidiinta Darna Oo Gaadiid Dagaal Ka Qabsaday Maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar.

Ciidamada Difaaca Darnah wadanka Liibiya oo ah gole ay ku midoobeen dadka deegaanka iyo Golaha Shuurada Mujaahidiinta ayaa ka hor tegay dagaallo ay soo qaadeen Maleeshiyada Khaliif Xaftar, kuwaas ka dhacay Xaafadaha Al Thuhr iyo Xiilah oo dhaca koofurta Magaalada.

Maleeshiyaadka Khaliif xaftar ee ahaa dullanka ayaa iska hor imaadyada cusub ee dhacay looga dilay ku dhawaad 10 askari sidoo kalena waxaa looga dhaawacay Tiro intaas kabadan, waxaana laga gubay laba gaari oo midkood uu saran yahay qoriga lidka diyaaradaha ee Zuuga loo yaqaan.
Sidoo kale Maleeshiyaatka Xaftar ayaa laga qabsaday ilaa afar kamid ah gaadiidkii dagaal ee ay kusoo dagaal galeen.
Sawirro lasoo dhigay baraha intenetka ayaa muujinaya dadweynaha Magaalada Derna oo dabaal degaya kadib markii gudaha magaalada la keenay gaadiidka Maleeshiyaatka Xaftar ee dagaalka lagu soo qabsaday.

Diyaaradaha dagaalka dowlada Imaaraadka carabta ayaa ka qeyb qaadanayay dagaalka ka dhacay magaalada darnah, waxa ayna fuliyeen duqeymo dhowr ah, oo ay ku wax yeeloobeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Dowlada Imaaraatka ayaa ku garab siineysa Dagaal Ooge Khaliif xaftar xasuuqa ka dhanka shacabka Muslimiinta ah reer Liibiya waxaana la xasuustaa in sidaan oo kale ay kaga qeyb qaadatay Xasuuqyadii ka dhacay Magaalada Banghaazi oo ugu danbeyntii ay la wareegeen Maleeshiyaatka Xaftar.

Balse Dagaalyahanada la baxay difaaca Darna ayaa iyagu wacad ku maraya inaanay marnaba agolaan doonin in Maleeshiyaatka Xaftar ay gudaha usoo galaan magaaladooda, waxaana ayna ilaa hada ku guuleysteen inay si adag iskaga difaacaan duullaanka lixaadka leh ee lagu soo qaaday.
Xigasho: Somalimemo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: