Home » Caafimaadka » Shaaha Caddaysan & Shaaha Bigayska Ah Keebaa Caafimaadka U Fiican?

Shaaha Caddaysan & Shaaha Bigayska Ah Keebaa Caafimaadka U Fiican?

Hadii aad jeceshahay cabida shaaha badanaa waxaad u cabtaa si aad nashaad ugu qaadatid taasina waa mid kamida waxyaabaha dadkoo dhan ay ka siman yihiin ama sameeyaan laakiin waxaa jira dad iyagu shaaha caafimaad ahaan u caba.

Dadka caba shaaha ee caafimaad ahaan u caba shaaha waxay ka dhigteen caado halka dadka qaar kale oo shaaha u caba caafimaad ahaan ay ka noqotay balwad aysan mudo aad u dheer ka maqnaan karin.

Faaiidada Shaaha.

Shaaha wuxuu leeyahay oo ku jira faaiidooyin iyo waxtar caafimaad kuwaas oo laga soo gaadhay dadyow wakhti aad u fog noolaa sida dadyowgii bariga dhexe iyo shiinaha iyo hindida.

Shaaha waxaa ku jira waxyaabo badan oo caafimaad dabiici ah leh kuwaas oo badiba u wanaagsan dadka caba wuxuu shaahu qani ku yahay vitamino jidhkeenu u baahan yahay oo uusan ka maarmi karin wuxuu jidhkeeda ka caawiyaa iska kana caabiyaa weeraro jeermis ah oo na soo weerara.

Shaaha Bigayska Ah.

Cilmi baadhis lagu sameeyey dadka shaaha bigayska ama shaaha madow caba ayaa waxaa lagu ogaaday in dadkaas markii ay shaaha madow cabaanba in xididaoodu dabcaayaan isla markaan qulqulka dhigoodu uu sare u kacaayo taasina waa caafimaad la ogaaday.

Shaaha Cadayska Ah.

Dhinaca kale waxaa jira dad badan oo shaah cadayska ah caba kuwaas iyagana waxaa lagu ogaaday cilmi baadhis laga diyaariya in dadkaas caba shaaha cadayska aysan heli karin faaiidada ay helaan dadka shaaha bigayska ama shaaha madow caba.

Maxaa Lagaaga Baahan Yahay Inaad Samaysid.

Waxaa la arkay in dadka caba shaaha cadayska ah aysan si sahlan iskaga dayn karayn inay joojiyaan cabista shaaha caanaha leh, hadaba si caafimaadkaaga iyo rabitaankaaga nololeed ay isugu dheeli tirmaan waxaad u baahan tahay inaad samayso jimicsi kugu filan mar walba oo aad shaah caano leh cabtid waayo jimicsiga wuxuu jidhkaaga u ogolaanayaa in dhiigaagu uu sameeyo inuu si fudud u qulqulo markaana shaqada wadnaha iyo sababaduna waxay noqon doonaan kuwoo hagaagsan.

Caafimaadtips.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: