Home » Aragtida Dadweynaha » Sharikadaha Isgaadhsiinta Inay Dawladdu Yeelato & In Gaar Loo Yeesho Midkee Quman?
Global communications

Sharikadaha Isgaadhsiinta Inay Dawladdu Yeelato & In Gaar Loo Yeesho Midkee Quman?

Shirkadaha Isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay waxa laga dhaxlay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib markii maamulada yimid ay tahli kari waayeen in ay dib u soo celiyaan adeegyadii dawladdu ay hore u maamuli jirtay.

Nidaamka isgaadhsiinta waxa gacanta ku hayey rubuc qarnigii ugu danbeeyay ganacsato awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed ba leh. Awoodda dhaqaale iyo nidaamka isgaadhsiinta ee ay gacanta ku hayeen waxa ay u saamaxday in ay saamayn weyn oo gun iyo baar ah ku yeeshaan kolba maamulka dawladeed ee yimaadda.

Isgaadhsiintu waxa ay ka mid tahay adeegyada muhiimka ah ee ay tahay in dawladdu gacanta ku hayso oo iyadu maamulkeeda iyo qalabkeedaba maamusho.

Marka laga yimaado faa’idada lacageed ee xad dhaafka ah ee laga helo isgaadhsiinta oo ay tahay in dawladdu dib ugu soo celiso shacabka oo meesha ka baxday hadda na waxa jira khataro badan oo ku iman kara nidaamka dawladnimo ee bulshada ka dhaxeeya oo ay ugu wacan tahay maamulka isgaadhsiinta oo aanay gacanta ku hayn dawladdu awgeed.

Isgaadhsiinta ay adeegsato dawladdu waxa iska leh dad shacab ah oo faa’ido doon ah kuwaas oo iyagu marwalba awoodda saaraya sidii ay u horumarin lahaayeen ganacsigooda, sidaa awgeed waxa ay isku hawlayaaan daqiiqad kasta in ay ogaadaan kolba xaaladaha khatar gelin kara ganacsigooda iyaga oo wax walba ka horeysiinaya danahooda gaarka ah.

Ganacsatada gacanta ku haysa isgaadhsiinta waxa ay si dhib yar ula socon karaan xogta ay isweydaarsanayaan masuuliyiinta dawladda u shaqeeya iyo dhammaan sirta dawladda oo dhan. Taasi na waxa ay dhabar jab iyo khatar halis ah ku tahay ammaanka iyo habsami socodka nidaamka dawladnimo ee bulshadu wadaagto.

Waxa kale oo ay ganacsatada isgaadhsiinta gacanta ku hayaa ogaan karaan kolba halka ay dawladdu ka nugushahay iyo qaabka shaqadu u socoto taasi na waxa ay u sahlaysaa in ay dawladda si fudud u fashilin karaan ama ay xogta siin karaan ba dhinac saddexaad.

Khatarta iyo faa’idada dhaqaale ee ay leedahay isgaadhsiintu waa tan keentay in inta badan dawladduhu gacanta ku hayaan. Sidaa awgeed waxa aynnu kula talineynaa xukuumadda in ay sida ugu dhakhsaha badan ula wareegto Isgaadhsiinta ama ay keensato qalab isgaadhsiineed oo dawladdu gaar u adeegsato.

Cabdalle C. Faarax (Geel-qaad).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: