Home » Suugaan » Suxufiyiinta Caanka Ah Ee Xasan Max’ed Yuusuf & Axmed Cismaan Batuun Oo Isku Weeraray Maansooyin Jacbur Ah AKHRISO

Suxufiyiinta Caanka Ah Ee Xasan Max’ed Yuusuf & Axmed Cismaan Batuun Oo Isku Weeraray Maansooyin Jacbur Ah AKHRISO

Abwaan Axmed Cismaan Batuun oo ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan dalka, gaar ahaan idaacadda gaamurtay ee Radio Hargeysa ayaa curiyey Maanso Jacbur ah oo aad u qosol badan oo magaceeda la yidhaa LAPTOP, waxaanu ku yidhi kuna bilabay sidan:

LAPTOP nin haystaa
DESKTOP ma doonoo
intuu CHARGER qaatuu
Marba FIISH la tegiyoo
Boorso uu kurido iyo
Khan u waayi maayoo
Xaalkiisu waa halis
Markuu dhuuqo FACE,koo
Mashquul kama dhamaadee
Anigana sidaasaa
Muuqaaqa jeerkaan
SCREEN-ka soo dhigo
Kal gacayl isaaqaa
waan PAINT gareeyaa
PHOTOSHOP-ka mariyaa
Oon POWERPOINT,kiyo
EXEL-kaba ku tuuraa
Ayahaygiibaad tahay
Waan Walwaalayaayoo
Jacal-baan daraadaa
Samiiray Fatahayaa
3G ka rooneey
MOUSE,kii quluubtaay
Ma RECYCLBIN-kaad
Jacaylkii Kutuurtoo
FORMAT garowyoo
Waxaad tidhi DELETE oo
Qulqul baad ileedahay
Waxaan kaa codsanayaa
RESTORE- gareeyoo
UPDATE- sii walaaleey
Ubad iyo Caruur badan
Aan PRINT garaynee.

 

Hadaba Maansadan Jacburka ah waxaa ka jawaabay Abwaanka Suxufiga Ruug-cadaaga ah Ee Xasan Maxamed Yuusuf. Maansadan oo Wariye Xasan ula baxay “JAWAABTII SAMIIRA” Ayuu ku bilaabay sidan:

 

Niyaddiyo Quluubtaba
Hardwere-ki wadilaa
Adigaa khalkhaliyoo,
C-da iyo D-dii
Aan kugu xafidilaa
Bluetooth-yadaadaa
Belo soo walwaaloo
Trojan-ka Daran iyo
Virus miidhan geliyoo,
Faylashii Kalgacalkaba
Adaa Tuuree ma ogtahay .
Jacaylkaagi inanyow
Waxa diiddey laabtoo
Kolkaan Save idhaahdaba
No-bay I lleeyahay.
Tan Recycle binkuna
Very easy weeyoo
Haddii aad ku jirilayd
Restore baa ku filanoo
Halkaagii ku dhigilayd.
Dibindaabyadaadaa
Iskiriinki demisoo
Maankaygu Wiilyohow
Wax Repair gareeyiyo
Anti virus Xaadhiyo
Wax Scan Yidhaahdaba
Markii aan ka Quustuu
Formaat garooboo
Sababtana adaaloo
Computerkaygaas
Ugu wacan Crash-kee
Bal Yaad eersanaysaa
Maskaxdaydii anigana
Restart aan idhaahdiyo
Guux hay dambeeyee
Meel geriirta malahoo
Rag Aaytii yaqaanoo
Fix all yidhaahdiyo
Injineer sameeyiyo
Expert-ki joogaan
Bal inay daweeyaan
Ayaan hore u geeyoo
Kolki lagu wareeree
Loo maaro waayaa
Imaaraadka loo diray
Dhawaan inuu hagaagoon
Internetki galo oon
Emailladaydiyo
Facekii ku laabtana
Waan rajeynayaayoo
Alle waxaan ka tuugaa
Inuu ii shaqeeyaa.
Error kaad I gelisaan
Xal u daydayaayoo
Marka aan Xasuustaba
Dhanjaf baygu kaca oo
Dhakadaa I faartoo
Dhaayahaan wax Arag oo
Dhegahaa I awdmoo
Lugahaan Dhaqaaqine
Fadlan waxaan ku leeyahay
Flash-kaloo aad leedoo
Softwere Caashaq lagu sido
Inistooling-maayee
Ha ii keenin Axmedoow
Asxaabtaada Face-kana
Aksebt ku odhan maayee
Iska kay illow oo
Kola haygu soo darin

–Dhamaad–

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: