Home » Wararka » Trump & Kim Jong Oo Kulankii Ugu Horeeyey Yeeshay
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-06-12 05:20:17Z | | ÿ!&ÿ!&ÿ#07ÿª4¶Gž0

Trump & Kim Jong Oo Kulankii Ugu Horeeyey Yeeshay

Markii ugu horeysay madaxweynayaasha wadamada Maraykanka iyo Kuuriyad-Wuqooyi ayaa yeeshey kulan toos ah, kaas oo dhicitaankiisa soo qaatay mudo aad u dheer.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Kim Jong ayaa ku kulmay dalka Singpore, waxaana dhexmaray kulamo gooni gooni ah oo qaarkood ay warbaahintu dibad joog ka ahayd.
Waxay kaamirooyinka Warbaahintu soo qabaneysya labada madaxweyne oo isa salaamaya, islamarkaana isku dhoola cadeynaya, waxaana markaas ay si wadajir ah ugu socdeen rooga cas.

Trump iiyo Kim Jong waxay kawada hadleen sidii loo meel marin lahaa waxyaabihii ay ku ballameen labada dhinac oo ay ugu weyntahay in Kuuriyada Wuqooyi ay gebi ahaanba kala furfurto hubka Nucelarka, halka dowladda Maraykanka ay damaanad qaadaeyso amaanka wadankaas, taageerana siineyso.

Donald Trump ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshey dhigiisa Kuuriyada-Wuqooyi uu ahaa mid heer sare ah, islamarkaana ka wanaagsan sida uu filayay.

Kim Jong dhankiisa isagana wuxuu kulanka uu la yeeshey Trump ku tilmaamay mid caqabado badan looga soo gudbey sidii uu u qabsoomi lahaa.
Waxaa la filayaa in Kim Jong uu yimaado dalka Maraykanka, Aqalka cadna uu kula kulmo Donald Trump, maadaama uu Trump ka codsaday arintaas.

Xigasho: Radio AlFurqaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: